IGAD:Dawlada Soomaaliya ayaa u Xil Saaran Maamul u Sameynta Gobolada
Adis Ababa May 24,2013(SDN)-Shir ay isugu yimaadeen wasiirada arrimaha dibedda ee dalalka ku bahoobay urur goboleedka IGAD ayaa looga hadlay arimaha gobolada Jubooyinka.
Sida ay saxaafada u sheegtay wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya Fawsiya Xaaji Aadan ayaa saxaafada u sheegtay in Wasiirada IGAD ay taageereen in dawlada Soomaaliya ay hagto nidaamka maamul u sameynta Gobolada dalka.
Marwo Fawsiya ayaa sheegtay in shirkii maamul u sameynta Jubaland aaney maamulin dawlada Soomaaliya isla markaana uu natiijadiisii yahay mid aan sharci aheyn.
Wasiirada IGAD ayaa lagu wadaa in ay dhawaan soo saaraan war murtiyeed ay wada jir u saxeexaan.
SDN-Adis Ababa
contact@somalidiasporanews.com