IGAD oo Warmurtiyeed ka soo saartay Kulankii ay Soomaaliga uga hadlayeen ee ka dhacay Ethiopia (Sawirro)
Addis Ababa May 04 2013 (SDN)— Urur Goboleedka IGAD ayaa waxa ay warmurtiyeed ka soo saareen shirkii Madaxada ururkaasi ay ku yeesheen Magaalada Addis Ababa ee caasimada dalka Ethiopia.
Shirka IGAD oo ay codstay dowladda Soomaalia ayaa waxaa intiisa badan looga hadlayay arrimaha Soomaaliya waxaana ka qeybgalay Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, Hassan Sheikh Mohamud, Madaxweynaha Somalia, SalvaKiir Mayardit, Madaxweynaha Koofurta Sudan, Yoweri Kaguta Museveni, Madaxweynaha Uganda, Ali Ahmed Kharti, Wasiirka Arrimaha Dibadda Sudan, iyo Ahmed Ali Silay, Wasiirka Xiriirka Caalamiga ee Djibouti.
Qodobadii Ugu Muhiisanaa Warmutiyeedkii IGAD waxaa ka mid ah:
1- Waxaa la soo dhaweeyay hormaradii ugu danbeeyay ee ay dowladda Soomaaliya ka sameysay Soomaaliya.
2- Waxa la canbaareeyay qaraxyadii iyo weeraradii ugu danbeeyay ee ka dhacay Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.
3- In la sii xoojiyo xiriirka wada shaqeyn ee ka dhaxeeya xubnaha IGAD ee ku mideysan Ururkaani.
4- Dowladda Soomaaliya ayaa leh hogaanka Maamul sameynta gobolada dalka iyadoo looga danbeynayo wax kasta oo dalka ku saabsan.
5- Dagaalka Al Shabaab ayaa lagu tilmaamay in uu yahay muhiimada ugu weyn ee xasilinta Soomaaliya.
6- In lagu caawiyo dowladda Soomaaliya qorshaha xasilinta qaranka ee ay hada kawado dalka.
7- IGAD in ay si mideysan uga qeybgalaan shirka ka furmi doona Magaalaa London ee dalka Ingiriiska.
Dhanka kale Madaxweynaha Soomaaliya ayaa la kulamay Madaxweynaha Kenya iyo Ra’iisul wasaaraha Ethiopia waxaana uu kala hadlay arrimaha Soomaaliya madaama ay ciidamo ka joogaan dalka Soomaaliya.
GOORDHOW LA SOCO WARMURTIYEEDKA OO QORAN