|

Igad Oo Ka Hadashay Abaaraha Ka Taagan Somalia Xilligan, Caalamkana Baaq u Dirtay

Addis Ababa:Sep,14,2014(SDN/QJ)-Urur-goboleedka Dalalka Bariga Afrika ee IGAD, ayaa baaq kasoo saaray Abaaraha Haysta shacabka soomaaliyeed,  kuwaas oo keenay in dad badan noloshoodu Halis gasho.

IGADUrurkani waxa ay caalamka ugu baaqeen inn dawladda Somalia lagu taageero dedaallada ay doonayso inay wax kaga qabato dhibkan taagan si loo samato bixiyo nolosha dadka ku caydhoobay abaarahaas dhacay.

IGAD ayaa dowladda Soomaaliya ku bogaadisey go’aanka ay guddiga gaarka ah ugu xilsaartay wax ka qabashada dhibaatooyinka haysta dadka ay saamaysay abaartu.

War Saxaafadeed soo saartay urur-goboleedka IGAD ayaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya ay dhaqaale gaadhaya Nus-malyuun Doollar u qoondaysay wax ka qabashada dhibaatooyinka abaaraha, taasina ay muujinayso dadaalka ay ku badbaadinayso ummaddeeda.

Urur goboleedka IGAD ayaa ugu baaqay bulshada caalamka in ay ka soo jawaabaan codsigii dowlada Soomaaliya ee ahaa in lagu taageero cunto, biyo, dawo iyo farsamo, si gargaar deg-deg ah loo gaadhsiiyo deegaannada ay ka jirto abaarta, ka hor inta aanay xaaladdu ka bixin faraha.

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa dhaqaale u qorshaysay wax ka qabashada abaaraha ka jira dalka, si looga hortago in ay dhacaan dhibaatooyinkii ka dhashay abaartii Soomaaliya ku dhufatay sannadku markuu ahaa 2011-kii.

Dowladda ayaa hore u sheegtay in deegaanno ka tirsan gobollada Gedo, Bakool, Galgaduud iyo Mudug ay ka jirto baahida abaareed.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed