IGAD oo Jubooyinka iyo Gedo maamul ugu sameeysay Nairobi
Nairobi July 03,2012(SDN)-Shir dhawaan ka dhacay magaalada Nairobi oo ay ka qeybgaleen kooxaha hubeysan iyo odey dhaqameedyada Labada Jubo iyo Gedo ayaa la iskula qaatay maamul Goboleed uu degaankaasi yeelanayo.
Kulankan oo si qarsoodi ah shalay uga dhacay Nairobi ayaa waxa ka qeybgalay labada dal ee Kiinya iyo Itoobiya.
Dhanka Soomaalida waxa shirka lagu casuumay Madax dhaqamedka Jubada Hoose,Jubada Dhexe,Ahlu sunna wal Jamaaca, Raaskambooni,Harti,Azania iyo madax ka tirsan xukuumada KMG ah ee Soomaaliya.
Wasiirul dawlaha arrimaha guddaha iyo amniga Dr Cabdi Cali Xasan oo DFKMG ah shirka ku metelayay ayaa door weyn ka qaatay isu soo dhaweynta dhinacyada.
Dhinacyadu waxa ay isla qaateen sameynta maamul hoos taga DFKMG ah ee Soomalaiya isla markaana nabad kula noolaada Soomaalida iyo dalalka deriska.
Sidoo kale Odey dhaqameedka shirka ka qeybgalay ayaa isla qaatay in ay dagaal mideysan kala hortagaan kooxda Al Shabaab.
Saraakiil ka socotay IGAD oo shirka ka qeybgalay ayaa rajeynaya in maamulkani uu noqon doono mid nabad kula noolaada cid walba.
Weli la islama qaadan magaca maamul goboleedkani uu qaadan doono.
SDN-Nairobi
contact@somalidiasporanews.com