Ifafaalaha Go’aanka Maanta Baarlamaanka Somalia Laga Filayo iyo Cidda La Muquunin Doono
Muqdisho:Nov,24,2014(SDN/QJ)-Maanta oo Isniin ah, waxa Golaha Baarlamaanka somalia u ballansan yahay Mooshin xilka lagaga qaadayo Xukuumadda Ra’isal wasaare Cabdiweli, kaas oo laba goor ooh ore fashilaad ku dhamaaday, kadib markii mudanayaal tiro badan oo kasoo horjeedaa ay Fawdo geliyeen.
Xalay iyo ilaa iyo shalay labada garab ee iska soo horjeedaa waxa ay kulamo gaar gaar ah ku lahaayeen Magaalada Muqdisho, waxana qolo waliba si weyn u gorfaynaysay Tabtii iyo xeeladdii ay isticmaali lahaayeen Haddii laga xoog bato ama kooxda kale ka cod badato.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la sheegay inuu haysto Taageeradda Xildhibaanada ugu badan, isagoo rajaynaya inuu ku guulaysan doono in uu Xilka ka tuuro RW C/wali oo Khilaaf xoogan ka dhaxeeyo.
140 Xildhibaan ayaa Laba Todobaad kahor u gudbiyay Gudoonka Baarlamaanka Soomaaliya Mooshin ka dhan ah Xukuumadda uu hogaamiyo RW C/wali oo ay ku eedeeyeen Waxqabad la’aan, waxase jirey tiro badan oo mudanayaal ah, kuwaas oo si badheedh u carqaladeeyey fadhiyo kala dambeeyey oo Baarlamaanku doonayey inay Xilka kaga qaadaan Ra’isal wasaaraha.
Ra’isal wasaaraha ayaa Maanta diyaar la ah Tab iyo xeelad kasta oo uu kaga Badbaadayo Iskudayga iyo Kooxda kale ku doonayaan inay meesha kaga saaraan, waxana ugu weyn oo laga filayaa inay qaylo iyo sawaxan sidii horeba u dhacday ay ku dhaqaaqi doonaan.
Guddoomiye Jawaari ayaa isagu hore u sheegay inaanu wax dulqaad ah oo dambe u muujin doonin mudanayaasha taageersan Cabdiweli, waxana uu tilmaamay inuu adeegsan dooono Awooddiisa sharci ee uu Xaqa u leeyahay, taas oo loo macnaystay inuu si xoog ah codka ku qaadi doono oo aan loo joojin doonin qaylada iyo sawaxanka mudanayaasha mucaaridka ah.
Haddii ay dhacdo in mar 3-aad ay carqalad & Fowdo samaayaan Xildhibaanada taageersan RW C/wali, waxa uu dhigayaa Dastuurka in Xildhibaanada ku codeyn karaan Hab Qoraal ah.
Madaxweyne Xasan sheikh ayaa xildhibaanada Taageersan lasoo dardaarmay, waxana xalay lagu kala tegay in markan laga dhigo markii ugu dambaysay ee Xukuumadda Cabdiweli meesha laga saaro.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com