IFAD oo maalgelineysa Beeraleyda Soomaaliya
Muqdisho March 01, 2014 (QJ) -Wasiirada Maaliyadda, Beeraha, Qorsheynta iyo Xanaanada Xoolaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ay wehliyaan mas’uuliyiin kale ayaa kulan muhiim ah la qaatay Wakiilka Sanduuqa Horumarinta Beeraha Adduunka ee IFAD ee Soomaaliya.
Intii uu socday kulanka ayaa Wasiirada Soomaaliya iyo Wakiilka IFAD ee Soomaaliya waxa ay ku soo gebagebeeyeen heshiis la xiriira horumarinta Beeraha Soomaaliya, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda.
Heshiiskan oo ay ku jiraan taageero dhaqaale oo ay Soomaaliya ka hesho Sanduuqa Horumarinta Beeraha Adduunka ee IFAD ayaa ahaa qodobbka ugu muuhiimsan heshiiskaiyo kulanka.
Markii uu soo idlaaday kulanka ayaa Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Biixi Iimaan Cige waxa uu u saxiixay heshiiska mashruuca horumarinta Beeraha Soomaaliya.
Mashruucani waxa uu ka caawinayaa horumarinta beeraha dalka, hadii si rasmi ah loo maalgeliyo waxa uu wax weyn ka tari doonaa miisaaniyada dawladda.
Heshiiska horumarinta beeraha Soomaaliya ayaa ah mid muhiimad gaar ah leh xilligan, iyadoo la doonayo in wax laga qabto caqabadaha hortaagan beeraleyda oo ay ka mid yihiin kuwa la xiriira is beddelka cimilada oo dhowr jeer dalka si xun u saameeyay.