|

Idaacaddii cusbayd ee Xukuumaddu ballan-qaaday oo agabkeedii dalka soo gaadhay

Berbera, 17, April 2012 (SDN)- Idaacadii cusbayd ee ay Xukuumadda Somaliland hore ugu ballan-qaaday inay dalka keenayso ayaa soo gaadhay dekedda magaaladda Berbera ee xarunta gobolka Saaxil,

Xukuumadda Somaliland ayaan ilaa hada shaaca ka qaadin keenista Idaacadaas, waxaana hore si is-daba jog ah ugu ballan-qaaday inay keenayaan Idaacadaas Wasiirradii kala dambeeyay ee soo maray Wasaaradda

Wararka ayaa sheegaya in Idaacadan cusubi ay maalmihii u dambeeyay taalay magaalada Berbera, isla markaana waxa la filayaa in dhawaan Hargeysa la soo gaadhsiiyo, si loo rakibo.

Xukuumaddii hore ee Madaxweyne Rayaale ayaa ku guul-darraysatay inay dalka keento Idaacad dalkoo dhan wada gaadha, waxaana jaaniskaas ka faa’iidaystay oo olole ku galay Xisbiga KULMIYE xilligii uu mucaaradka ahaa, isagoo ku celceliyay inuu dalka keeni doono idaacada wada gaadha, waxaana muddadaas labada sanno ay dadweynaha reer Somaliland raajicinayeen keenitaanka idaacadan cusub.

SDN, Hargeisa

Comments are closed