|

Idaacadaha Shabeele iyo sky FM Oo maalintii labaad hawada ka maqan iyo Xukuumadda iyo Mulkiilayaasha Oo Ka Hadlay

Muqdisho:Aug,16,2014(SDN/QJ)-Idaacadaha Shabelle iyo Sky F moo ka hawlgeli jirey Magaalada Muqdisho.

shabeeeleIdaacadahan ayaa waxa Xarumahoodii la wareegay Ciidamo Hubaysan, kuwaas oo la sheegay inay qaateen Qalabkii yaallay, isla-markaana la xidhxidhay qaar ka mid ah shaqaalihii goobta ka shaqayn jirey.

Afhayeen u Hadlay Dawladda Federalka Somalia, ayaa sheegay inay Idaacadahani dhibaato weyn ku Hayeen Amniga Muqdisho, isla-markaana ay Go’aansadeen inay xidhaan, “idaacado ka mid ah kuwa dhibka ku haya magaalada Muqdisho dawladdu way xidhay, waxana ay halis ku ahaayeen Amniga.” Ayuu yidhi Afhayeen uhadlay xukuumaddu.

Waxa isaguna Xadhiga idaaacadahan ka Hadlay mid ka mid ah shaqaalihii idaacadda Xidhan ee Shabelle, kaas oo sheegay in Dad tiro badan xabsiga loo taxaabay, isla-markaana agabkii idaacadda la bililiqaystay oo Cidanku sii qaateen, waxana uu yidhi,

“ilaa labaatan gaadhi ayey wateen ciidanku qalabkii idaacadahana way qaateen, gaadhi kamid ah kuwii idaacaddana way qaateen iyo qalbakii saarnaa.19-ka mid ah shaqaalihii Shabele iyo sky.”

Shaqaalahan ka Hadlay xidhitaanka Idaacadahan, ayaa sheegay in idaacadahoodu baahiyeen Hawlgallo dhawaan ciidanku ka fuliyeen Muqdisho, taas oo uu sheegay in dhinacyadi is Hayey ay wareysteen balse ay dawladdu diidday inay Ka Hadasho, waxana uu yidhi,

“idaacaddu waxay ka hadlaysay dhinacyada weerarrada lagu qaaday ee hore loo weeraray, Hay’adaheeda amnigu iyagaa ka Hadli waayey.” Ayuu yidhi Mid ka mid ah Shaqaalaha Idaacadda Xidhan ee Shabele.

Sababta Idaacadahan loo xidhay ayaa salka ku Haysa inay xukuumaddu dhibsatay qaabkii ay idaacaddu u Baahisay Weerartay aqalka axmed Daaci, kaas oo ay ku sheegtay inay ku soo qabqabanayso Hub sharci darro ah oo ay hastaan Dad gaar ahi iyo shakhsiyaad xilal kala duwan kasoo qabtay Dawladihii kala duwanaa ee Somalia iskaga kala dambeeyey.

Hawlgalladan ayaa ka dambeeyey markii ay Golaha wasiirradu ansixiyeen Sharciga La Dagaallanka Hubka, kaas oo keenay in gacanta lagu soo dhigo Ugu yaraan shan boqol oo qori oo guryaha dhexdooda lagu Haystay, isla-markaana ay ku dhinteen Shakhsiyaad shacabka iyo ciidankaba ka mid ahaa.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed