Ibraahim Axmed Rayte ayaa walaac weyn ka Muujiyey dhabar-jabka Sharci ee Xumuumadda Kulmiye Ka waddo dalka {DHAGAYSO}
Hargaysa 11.Dec 2013 (SDN)- Xildhibaan Rayte waxa uu Tilmaamay in Madaxweyne Siilaanyo uu Caddaystay in sharciga waddanka xagga dambe la iska Dhigo oo la laalo, isagoo dhacdooyinkii kala dambeeyey ee isku dayga dilka ahaa ee waddanka ka dhacayey ay yihiin ifafaale waxyaabo xun oo waddanka lagu soo wado.
Xildhibaanku in Saddexdii Kiis ee sannadkan sii dhammaanaya Lagu waxyeeleeyey ee isku dayga dilka ahaa ee lagula kacay Masuuliyiinta Wargeyska Hubaal, kii lagula kacay Xildhibaan Qabille iyo kii lagula kacay Mujaahid maxamed Kaahin ay dhammaantood dabada la galeen madaxdooyada oo ahayd halkii sharciga iyo kala dambaynta lagu ilaalin lahaa.
Waxa uu xildhibaanku madaxweynaha ugu baaqay inuu ilaaliyo sharciga maadaama waxa uu madaxweyne ku yahay ay tahay sharciga oo aanu xoog ku fuulin kursiga, haddii uu ilaalin waayana ay isaga u daran tahay.
GUJI HALKAN OO MOBILKAAGA KA DHAGAYSO HADALKA XILDHIBAANKA
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/XildhibaanRayte11D(1).mp3″]
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com