Human Rights Watch Oo Ka Digtay Xukunada Ay Riddo Maxkamadda Qalabka Sidda Ee Somaliya
22,May,2014(SDN/QJ)-Hay’adda u dooda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch, ayaa warbixin ay saaka soo saartay waxa ay ku sheegtay in maxkamadda ciidammada qalabka sida ee Soomaaliya ay tan iyo sanadkii 2011-ka ay xukun ku riday boqollaal qof, kuwaas oo aysan sharciyad u lahayn maxkamadeyntooda, amaba ay si ka hooseysa xeerka caalamiga ee dacwad qaadida u xukuntay.
Human Rights Watch, ayaa ugu baaqday dowladda Soomaaliya in si deg deg ah ay kiisaska rayidka ah ugu wareejiso maxkamadaha madaniga ah.
Baarayaasha warbixinta diyaariyay ayaa sheegay in ay wareysi la yeesheen in ka badan 30 qof oo ay maxkamadi ku socoto, waxaana ay isugu jiraan askar ciidanka dowladda ka tirsan, rag looga shakiyay in ay ka tirsan yihiin Al-Shabaab, iyo dad rayid ah.
Warbixinta ayaa lagu sheegay in dhammaan dadkii ay Human Rights Watch wareysatay ay ka hadleen sida uu u adag yahay hannaanka maxkamada ciidamada, sida aan loogu ogolaanin eedeysanayaasha in ay doortaan qareenada difaacaya iyo weliba sida aanay racfaan uga qaadan karin xukunnada lagu rido.
Sida warbixinta lagu sheegayna, todobaneeyo qof ayay maxkamadu ku riday xukun dil ah, kuwaas oo la dilay sanadkii lasoo dhaafay.
SDN/QJ-London
contact@somalidiasporanews.com