|

Human Rights Watch oo ka digtay in Cunaqabateynta Hubka laga qaado Soomaaliya

New York Mar 05,2013(SDN)-Hay’ada u dooda xuquuqda Aadaha ee Human Rights Watch ayaa ka digtay in la qaado cunaqabateynta hubka ee Soomaaliya sareyd mudada 21ka sanadood ah.

“Iyada oo aaney jirin nidaam lagu xadido hubka waxa ay keeneysaa in dhibaatada lagu biiriyo shacaka Soomaaliya”sidaa waxa yiri Gemma Davies oo ah madaxa xog ururinta HRW.

Gemma ayaa intaa raaciyay in xad gudubyo fara badan oo Soomaaliya ka dhacay lala xiriiriyo hubka xad dhaafka ah ee Soomaaliya tuugada ku tagayay.

HRW ayaa qeyrul masuulnimo ku tilmaantay in Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobey ay ansixiso in cunaqabateynta hubka laga qaado Soomaaliya,

Dawlada dhexe ee Soomaaliya ayaa dhawaan dalbatay in cunaqabateynta hubka laga qaado si ay ula dagaalanto kooxda Al Shabaab.

SDN-New York

contact@somalidaisporanews.com

Comments are closed