|

Human Rights Watch oo canbaareysay Xukunka wariye Koronto dalbatayna in la sii daayo

Nairobi March 04 2013 (SDN)– Hay’ada u dooda xaquuqul insaanka ee Human Rights Watch,ayaa Cambaareysay Xukunkii lagu riday wariye Cabdi-Casiis cabdi Nuur Ibraahim (Koronto), iyadoona ku baaqday in dib loogu celiyo wariyaha Xoriyadiisa.

Agaasimaha Africa u qaabilsan hay’ada u dooda xaquuqda bini-adamka Daniel Bekele, warbixin uu Nairobi ka soo saaray ayuu ku sheegay in Loo baahan yahay in dowlada federaalka Soomaaliya xoriyadiisa ay siiso wariye Koron oo mudo Labo bil gacanta ugu jira xukuumada Soomaaliya, isagoona tilmaamay in wariyaha uu xaq u leeyahay soo bandhigitaanka xaquuqaha qarsoon ee xaqiiqda ah.

Wuxuu hoosta ka xariiqay Mr Daniel Bekele, in dowlada looga Baahan yahay in xil iska saarto ilaalinta sharafta iyo xaquuqda Saxafiyiinta ay leeyihiin, iyadoona ku dabaqeysa sharuucda saxaafada caalamka iyo mida dalka.

Sidoo kale Agaasimaha xaquuqul insaanka ugu qaabilsan Africa Daniel Bekele,oo hadalkiisa sii wata ayaa intaasi raaciyey In maalintii shalay ahayd Maxkamada racfaanka xukun hor leh oo lix bilood ah ku riday Wariye Koronto,wuxuuna Carabaabay in taasi loo baahneyn, islamarkaana ay Mudneyd in la sii daayo si uu howshiisa u sii wato.

Maxkamada racfaanka ee gobolka Banaadir ayaa maalintii shalay ahayd Xukun Lix bilood ah ku riday Wariye Cabdi Casiis Cabdi-Nuur ibraahim Koronto, halka haweeneydii sheegatay in la kufsadayna la sii deysay.

SDN-Nairobi 

Comments are closed