Hudheel Casri Ah Oo La Magac Baxay Royal Hotel Oo Maanta Laga Hirgaliyay Magaalada Hargaysa {DHAGAYSO}
Hargaysa 16,May,2014(SDN/QJ)- Waxaa maanta magaalada hargaysa laga furay hudheel casri ah oo la magac baxay Royal Hotel kaaso laga furay magaalada hargaysa .
Hudheelkan oo ku yaal halka magaalada laga soo galo ee koonfurta magaalada hargaysa ayaa waxa loo qabtay xaflad balaadhan oo ay ilyartu is qabatay taas oo lagu daah furayay hudheelkan .
Waxana xafladdan ka soo qeyb galay masuuliyiin ay ka mid ahaayeen,wasiirka arrimaha gudaha Somaliland mudane cali maxamed waran cade .wasiiru dawlaha madaxtooyada maxamed muuse abees . Maayor ku xigeenka caasimada hargaysa c/casiis maxamed xaashi cagawayne ,taliyayaasha ciidamada badda iyo laanta socdaalka .saladiin .ganacsato tiro badan . culimo dhalinyaro iyo dadweyne kale. Waxana hlkaasi khudbado kala duwan ka soo jeediyay masuuliyiintii ka soo qeyb gashay xafladda qadada ah ee lagu furyay hudheelka casriga ha ee Royal Hotel
GUJI HALKAN OO MOBILKAAGA KA DHAGAYSO FURITAANKA HUTEEL ROYAL
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/RoyalHotel.mp3″]
SDN/QJ-Hargaysa
contact@somalidiasporanews.com