Hub ku socday Laascaanood oo Burco lagu qabtay
Burco November 20, 2023 (QJ) -Hay’adda Sirdoonka Qaranka Somaliland ayaa soo bandhigtay Hub, Daawooyin iyo Qalab Ciidan oo ay ku qabteen Magaalada Burco.
Warbixin iyo sawirro ay ku baahiyeen boggooda Twitter-ka, NIA waxay ku sheegeen inay qabteen qalab ciidan oo isugu jira hub, rasaas, dawooyin iyo direys ciidan, kuwaas oo la sheegay in loo waday kooxo hubaysan oo ku sugan Laascaanood.
Warka ka soo baxay NIA laguma sheegin tirada hubka la qabtay, halka uu ka yimid, iyo cida loogu talagalay. Sidoo kale lama sheegin in cid jirto cid lagu qabtay hawlgalka hubka lagu qabtay.
Laamaha amaanka Somaliland ayaa mudooyinkii u dambeeyay kordhiyey hawlgalada ka dhanka ah waxa ay ku tilmaameen argagaxisada, nabad-diidka iyo falal dambiyeedyada ka dhaca gobolka.