|

Hub-ka-dhigista Muqdisho Oo Aan Saamayn Doonin Yuusuf Indha-cadde Iyo Sababaha Keenay

Muqdisho:Aug,17,2014(SDN/QJ)-Waxa Magaalada Muqdisho ka socda Hawlgallo Ballaadhan oo Hubka lagaga dhigayo Qabqablayaal dagaal ooh ore iyo Rag xilal hore kasoo qabtay Dawladihii kala dambeeyey ee Somalia oo Aqalladooda ku Haysta Hub iyo Maleshiyo ay gaar u leeyihiin.

indhacadeHubka dhigista socota oo keentay dhimasho iyo dhaawac badan, ayaa la sheegayaa inaan loo sinayn, isla-markaana aan wada saamayn doonin ragga hubka gudaha muqdisho ku Haysta.

Ragga aanay Hub-ka-dhigistaasi saamayn doonin, ayaa waxa ugu horreeya Gen. Yuuusuf siyaad Indha-cadde oo isagu magaalada Caanka ah, isla-markaana lagu ogyahay inuu gacanta ku Hayo hub aad u tiro badan.

General Yuusuf Maxamed Siyaad waxa uu horey u soo noqday Wasiir ka tirsan Dowladdii Shariif Sheekh Axmed, haataana waxa uu ka mid yahay Saraakiisha Ciidamada Qalabka Sida, inkastoo aanu si toos ah u hawlgelin.

 

Yuusuf Maxamed Siyaad oo xidhiidh dhow la leh Madaxweynaha Somaliya iyo Wasiirka Garsoorka & Dastuurka Faarax Sheekh C/qaadir Maxamed, ayaan wax walaac ah ka qabin in Hay’adda Nabad Suggida ay hub ka dhigis ku sameyso.

 

General Indha Cadde wuxuu ka tirsan yahay ragga hubka ugu badan ku heysta Magaalada Muqdisho, waxa uuna u muuqdaa inaanu wax saamayn ah ku yeelan doonin hawlgalada ku aadan hub ka dhigista Muqdisho.

 

Ilo lagu kalsoonaan karo, ayaa Warbaahinta u sheegay in General Indha Cadde uu taageero weyn ka heysto Madaxweynaha iyo Faarax Sheekh C/qaadir, iyadoona lala xidhiidhiyo in uu ku biiray Dam Jadiid, walow uu toddobaad ka hor iska fogeeyay.

 

General Indha Cadde waxay khadka teleefanada ka wada hadlaan Madaxda Dowladda qaarkood, iyadoo xilliyada qaar uu ku booqdo Qasriga Madaxtooyada ee Villa Somalia.

 

 

Hawlgaladii ugu dambeeyay ee laga sameeyay Magaalada Muqdisho, ayaa ahaa kuwo si weyn looga dareemay gebi ahaanba Caasimada, waxaana la hadalhayaa in ay sii socon doonaan maalmaha ina soo aadan.

Shacabka ayaa si weyn u sugaya Talaabada ay dawladdu ka qaaddo General Indha-cadde oo la wada Ogsoon yahay inuu haysto Hub laxaad leh, Haddiise ay  noqoto inaan Hubka laga qaadin waxay keentaa shaki keeni kara in talaabooyinkaas lagu badhtilmaameedsanayo cid gaar ah oo la raadinayo isla-markaana aan loo sinayn.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed