|

Howlgalo dad lagu soo qab qabtay oo Ciidamad dowladda ka sameeyeen Gobolka Sh/hoose

Marka Feb 10 2013 (SDN)— Saraakiisha ciidamada Dowladda Soomaaliya ee Gobalka Shabeelaha Dhexe ayaa faah-faahin ka bixiyay howlgalo ay ka sameeyeen wadada isku xirta Gobalka Shabeelaha dhexe iyo Magaalada Muqdisho.

Korneyl Maxamed Maxamuud Saneey oo kamid ah saraakiisha ciidamada Dowladda Soomaaliya ee Gobalkaasi ayaa sheegay in howlgalka ay kusoo qab qabteen dad gaaraya ilaa afar ruux kuwaasi oo falal lidi ah ka waday wadada.

Wuxuu sheegay in qorshaha wadadaasi ay udajiyeen ay tahay arin milateri raga ay soo qabteen wuxuu ku tilmaamay inay ugudbin doonaan maxkamada ciidamada qalabka sida si tallaabo looga qaado.

Maxamed Maxamuud Saney ayaa sidoo kale sheegay in ciidamo badan ay dhigeen wadada iskuxirta Muqdisho iyo Jowhar si halkaasi ay uxaqiijiyaan ammaanka shacabka wadadaasi isticmaalaya.

Wuxuu sheegay in xaalada ammaanka iminka ay tahay mid wanaagsan aysana jirin dhibaato dhanka ammaanka ka taagan.

Shacabka isticmaala wadada iskuxirta Magaalada Muqdisho iyo Jowhar ayaa marmarka qaarkood waxa ay cabasho ka muujiyaan dhibaatooyin kala duwan oo ay kala kulmaan ciidanka Dowladda Soomaaliya.

SDN-Marka 

Comments are closed