Howlgallo dad badan lagu soo qab qabtay oo ciidamada Puntland ay ka sameeyeen Boosaaso
Boosaaso Jan 07 2013 (SDN)— Ciidamada maamul goboleedka Puntland aya howlgalo ay ka sameeyeen Magaalada Xeebta ku taalla ee Boosaaso waxa ku soo qab qabteen boqolaal lala xiriirinayo in ay ku lug leeyihiin falal amnidaro.
Howlgalada oo xoogooda la sameeyay xalay ayaa waxa ay ka dhaceen dhawr xaafadood oo ka tirsan Magaalada Boosaaso waxana ciidamadu ay sheegeen in howlgaladan lagu soo qab qabtay dad ay rumeysan yihiin ay ka tirsanyihiin Shabaabka Boosaaso.
Taliyaha Ciidamada Bari ee maamulka Puntland ayaa u warfidiyeenka u sheegay in dadka la soo qab qabtay ay u badanyihiin dhalinyaro kuwaasi oo uu sheegay in ay tuhmayaan in ay falalkii dhawaan ka dhacayayBariku lugleeyihiin.
Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in dadka la soo qab qabtay cidii wax danbi ah lagu waayo la sii deyn doono cidii lagu helana la marsiin doono ciqaabta ay leedahay.
Dadka la soo qab qabtay ayaa waxaa hada ku socda baaritaano iyagoona ciidamada maamulka Puntland ee gobolkaBariay tilmaameen in ay sii wadi doonaan howlagalada nuucaani oo kala ah oo ay ku xaqiijinayaan Ammaanka gobolkaBariiyo Magaalada Xarunta u ah ee Boosaaso.
Dagaalada ka dhacay duleedka Magaalada Boosaaso ayaa sii xoogeysanayay maalmihii danbe waxaana sidoo kale magaalada gudaheeda ka dhacay dhawr weerar oo lagu qaaday mas’uuliyiin maamulkaais ka tirsan.
Xarakada Al Shabaab ayaa sheegaytay in ay iyadu ka danbeysay dagaaladii ka dhacay duleedka Boosaaso oo lagu soo qaaday Ciidamada maamulka Punltand fariisin ay halkaasi ku leeyihiin.
SDN-Boosaaso