Howlgallo balaaran oo saakay ka socona Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya
Muqdisho May 25 2013 (SDN)— Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa saakay howlgallo kawada xaafado kamid ah Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.
Howlgaladan oo ay fulinayaan Ciidamada Nabad Sugida dowladda iyo Boooliska AMISOM ayaa waxa ay hada ka soconayaa Xaafada Buula-xuubey ee degmada Wadajir, halkaasi oo dadka mid mid loo baarayo.
Ciidamada ayaa midmid u taagan wadooyinka Xaafada Buula-xuubey iyadoo baaritaan xoog leh kawada guriyada iyo dadka halkaasi maraya.
Sidoo kale wadooyinka waa weyn sida Maka Al Mukarama ayaa xiran iyadoo gaadiidka dadweynuhu Raacaan la xanibay, waxaana kaliya maraya gaadiidka Shaqaalaha dowladda iyo Mas’uuliyiintooda.
Howlgalada nuucani oo kala ah oo ay sameeyaan Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa lagu soo qabqabtaa dad badan inkastoo la sii daayo dadka danbiyada lagu waayo.
SDN-Muqdisho