Howlgallo amni oo laga fuliyay qeybo ka mid ah Muqdisho
Muqdisho 16.March 2014 (SDN)- Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa howlgallo dad lagu qabtay xalay ka fuliyey degmooyinka Hodan, Warta nabadda iyo Yaaqshiid ee gobolka Banaadir.
Goob-joogeyaal ayaa Warbaahinta u sheegay in howlgallada oo billowday salaaddii Makhrib ay socdeen ilaa 4-tii saac ee xalay, laguna qabtay dad aan la ogayn tiradooda rasmiga ah.
Wararka ayaa intaas ku daraya in howlgalka uu hoggaaminayey guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna duqa magaalada Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseeen ( Muungaab).
Ma jirto cid ka tirsan maamulka gobolka oo ka hadashay howlgallada dadka lagu qabtay ee xalay ka dhacay degmooyinka ka tirsan gobolka Banaadir .
Howlgallada ayaa ku soo beegmaya iyadoo mas’uuliyiinta gobolku shir looga hadlayey adkaynta ammaanka caasimadda ay Sabtidii shalay ku yeesheen xarunta maamulka gobolka Banaadir.
Muqdisho SDN.
Qurbejoog.com