Howlgal dad badan lagu soo qab qabtay oo maanta Ciidamada dowladda ka sameeyeen Magaalada Muqdisho
Muqdisho Jan 26 2013 (SDN)– Ciidamada Nabadsugida Soomaaliya iyo kuwa Booliiska ayaa maanta Magaalada Muqdisho waxa ay ka sameeyeen howlgalo ballaaran oo ay ku xaqiijinayaan ammaanka Magaalada Muqdisho.
Howlgalka ayaa ciidamada Dowladda Soomaaliya waxa ay ka kala sameeyeen Degmooyinka Dharkeynleey iyo sidoo kale Degmada Kaaraan halkaasi oo dad kala duwan laga soo qab qabtay.
Khaliif Axmed Ereg taliyaha ciidamada Nabadsugida Gobalka Banaadir oo la hadlay warbaahinta ayaa wuxuu sheegay in intii ay kuguda jireen howlgalka ay gacanta kusoo dhigeen ciidamada Dowladda dad gaaraya 70-ruux kuwaasi oo lagu eedeeyay falal kala duwan.
Ereg ayaa sheegay in ciidamada ay soo qabteen dad gaaraya 70-kuwaasi oo qaarkod ay ku jiran dad lagu eedeeyay inay dhac ka geesteen Degmooyinka laga soo qabtay.
Howlgalka ayaa wuxuu sheegay inay sii wadi doonaan ciidamada Nabadsugida iyo Booliiska Soomaaliyeed inta ay ka xaqiijinayaan ammaanka Magaalada Muqdisho.
SDN-MuqdishoÂ