|

Howlgal Dad Badan Lagu Soo Qab Qabtay Oo Ciidamada Dowlada somalia ay ka sameeyeen Magaalada Baladweyne

Baladweyne May 04 2013 (SDN)— Wararka ka imaanaya Magaalada Baladweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan ayaa kuwa ramaya in halkaasi ay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ka sameeyeen howlgal balaaran oo dad iyo waxyaabaha qaraxa.

Saraakiisha ciidamada dowladda ee ku sugan Baladweyne ayaa sheegay in howlgalkaasi lagu soo qab qabtay dad kabadan 20-ruux iyo waxyaabaha.

Howlgalka oo ay ka qeyb qaadanayeen Ciidamada Jabuuti ee AMISOM ee ku sugan  Baladweyne ayaa waxaa laga fuliyay xaafada Howlwadaag waxaana ay ka soo qabteen 25 ruux.

Dadka la soo qabqabtay ayaa lagu tuhun sanyahay in ay xiriir la leeyahay Xarakada Al Shabaab ee ka soo horjeeda dowladda Soomaaliya.

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cabdi Faarax Laqanyo oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in howlagal lagu soo qab qabtay dad xiriir la leh Al Shabaab iyo hub iskugu jira noocyo kala duwan.

Sidoo kale guddoomiyaha ayaa tilmaamay in baaritaano lagu sameynayo dadkii lagu soo qabtay howlagalka lana sii daynayo cidii lagu waayo dambiyad.

Howlgalkan maanta laga sameeyay magaalada Baladweyn ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa ahaa howlgal qorsheysan oo ay si wadajir ah u fuliyeen ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ee ku sugan Baladweyne waxa uuna yahay howlgalkii ugu balaarna oo ka dhaco magaalada.

SDN-Baladweyne 

Comments are closed