|

Hooyo Wiilkeeda Al-shabaab Kala Soo Baxday Oo Dawladda Ka Heshay Albaalmarin Qaali ah

Muqdisho:Aug,09,2014(SDN/QJ)-Xukuumadda Somalia, ayaa shalay Magaalada Muqdisho kusoo Bandhigtay Wiil Dhallinyaro ah oo ay sheegeen inuu kasoo goostay Kooxda Al-shabaab, kaas oo kooxda ku maqnaa muddo 11-Bilood ah.

secretGoobta lagu soo bandhigaayay waxaa ku sugnaa guddoomiyaha maxkamadda sare ee ciidamada, Cabdiraxmaan Maxamed Tuur-yarre, afhayeenka wasaaradda ammaanka iyo ururada haweenka ee dalka ka dhisan.

Wiilkan yar ayaa la sheegay inay waalidkii isku Hawleen inay kasoo saaraan Gacanta Kooxda Al-shabaab oo uu muddo sanad ku dhaw ku maqnaa, taas oo warwar badan ku Haysay waalidkiis.

Ugu horeyn waxaa goobta ka hadashay hooyada dhashay wiilka, waxaana ay sheegtay markii maxkamadda ciidamada ay ku dhawaaqay in waalidiinta laga doonayo in ay carruurtooda ka soo ceshadaan Al-Shabaab in ay wiilkeeda raadisay oo xilligaas ku sugnaa degmada Buul-madheedh ee gobalka Shabeellaha Hoose.

Waxay sheegtay siddii ay ku heli lahayd wiilkeeda in ay iibisay boos ay lahayd, waxaana ay intaas ku dartay in ay ku guuleysatay wiilkeeda in ay hesho.

Wiilka yar oo isna goobta ka hadlay ayaa sheegay in Al-Shabaab uu ku biiray isagoo Buulo-burte ku sugan xilligaas oo isaga iyo dhallinyaro kubadda cayaaraysay ee lagu qasbay in uu ku biiro kooxda siddaasna uu ugu biiro.

Wuxuu sheegay in muddo sagaal bil uu tabbabar qaadanayay isla markaana la barayay sidda loo dagaallamo la iskuna qarxiyo.

Guddoomiyaha ururka haweenka gobalka Banaadir, Jawaahir Baarqab oo iyana ka hadashay goobta ayaa wiilka yer guddoon siiyay 100 dollar oo dhar loogu iibiyo.

Afhayeenka wasaaradda ammaanka, Maxamed Yuusuf Cismaan oo isna goobta ka hadlaya ayaa sheegay in arrintan ay billow u yahay wadashaqeyn dhex martay bulshadda iyo dowladda.

Ugu dambeyn, guddoomiyaha maxkamadda sare ee ciidamada, Cabdiraxmaan Maxamed Tuur-Yare ayaa sheegay in arrintan ay billow u tahay sida ay waalidiinta u aqbaleyn dalabkii horrey uga soo yeeray maxkamadda oo ahaa in ay carruurtooda ka ceshtaan Shabaab haddii aaney ka celin karin ay soo sheegaan.

Guddoomiye Tuur-Yare ayaa goobta ka sheegay in hooyadan ay heli doonto abaalmarin qaali ah, gurri iyo goob ammaan ah, wiilkeeda uu heli doono daryeel fiican.

 

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed