|

Hooyo iyo Aabo Dhegaha iyo Sanka Ka Gooyey Nin Gabadhooda Ku Xad-Gudbay Oo Marti u ahaa

Kabul:May,02,2014(SDN/QJ)-Dhacdooyinka yaabka leh ee Nolosha qofka raadka ku yeelanaya ayaa maalinba maalinta ka dambbaysa ku soo badanaya Dunidan aynu ku noolahay, iyadoo saxaafadda Caalamkuna ay ayaamahan qaadaa-dhigaysay arrin ay ku kaceen laba waalid oo u dhashay dalkka Afghanistan.

badeLaba Waalid oo  Reer Afghanistan ah ayaa Sanka iyo Labada Dhegood ka Gooyey Wiil Fal foolxun kula   kacay gabadhooda xilli uu marti ku ahaa gurigooda.

Waalidiintan oo la kala yidhaahdo Cabdul iyo Suldana Qahaar oo degen gobolka Baghlan ee dalka Afghanistan ayaa laga soo xigtay in ninka gababadhooda u tagay ay habeenkii Isniinta ee todobaadkan ku marti qaadeen gurigooda kadibnta xidhxidheen  iygoo ka Jaray labada dhegood iyo sanka.

Waalidiintan ayaa hadda xidhan oo ku jira gacanta booliska gobolka ay dhacdadan ka dhacday.

Hooyadda dhashay gabadha oo booliska u xidhan ayaa  taleefoonka ugu sheegtay wakaaladda wararka Reuters inay iyadu ninka dhagaha iyo sanka ka jartay kadibna ay siisay bisad ama mukulaal guriga u joogtay.

“Anniga ayaa ka jaray saygeygana waa uu i caawiyay waan xidhxidhnay kadibna dhagaha iyo sanka kadibna bisad noo joogtay ayaan siinay dhagihii iyo sankii aan ka jarnay” ayay tidhi Suldana Qahar

Madaxa arrimaha haweenka ee gobolka Baghlan khadiija Yaqeen ayaa sheegtay in waalidiinta oo dhalay gabadh 14 sanno jir ah ay ninka ay dhagaha iyo sanka ka jareen u galmooday muddo haatan laga joogo 4 bilood.

Khadiija waxaa ay sheegtay in gabadha ay waalidiinteed 4 bilood kadib u sheegtay inuu faro xumeeyay ninka ay dhibaatada u geysteen oo degaanka caanka ka ah.

Afhayeenka booliska Baghlan Axmed Jaawid Bashaarat ayaa isna sheegay in waalidiinta falkan geystay iyo gabadhaba ay xidhan yihiin ninkii dhagahsa laga jarayna uu isbitaal yaalo.

Warbaahinnta dalka Afghanistaan ayaa arrinta si weyn u hadal haysay Toddobadkan, waxana lagu tilmaamay isku daygii ugu Halista Badnaa ee Waalidiini kula kacaan Nin falka noocan oo kale ah lagu eedeeyey.

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed