|

Hooyadaa ha ku ilaawin xaaskaaga!bal qisadan aad u dhugo oo dhuux Q1AAD faalo wariye khadar bitijoor

 

Waxa aan faladeenan aan ku soo qaadan doona qiimaha iyo qadarinta ay inaga mudan yihiin hooyooyinku

(KampalaSDN)Hooyadaa ha ku ilaawin xaaskaaga! Waa iga dardaaran. Maalin dhawayd baa dadka looga qaatenka ka mid ah oo ah dadka warkooda la qaata uu qiso ka waramay. Qiso xanuun leh bay ahayd. Nin u dhashay Imaaraadka Carabta ayaa xaaskiisii, ilmo yar oo uu dhalay, iyo hooyadiis suuqa u qaaday. Xaaskiisa ayuu doonaayay inuu dahab u soo gado, hooyadiisna ilmaha yar ee ay dhaleen bay u siday.

Ninkii haweenaydii buu dukaan dahable ah galiyay, waxaanay qaadatay wixii ay qaadan karaysay. Hooyadiis oo ilmahoodii sidda, oo hadba dhan dukaanka dhexdiisa u daba socota, ayaa iyaduna hal fargal qaadatay. Ninkii odayga ahaa ayaa dahabkii loo xisaabshay, isaga qudhiisu xisaabta dhinac buu ka watay, waxaana is iman waayay tii uu isu geeyay, iyo middii dukaanluhu u sheegay. Kolkii uu tafsiir waydiiyay, ee yidhi xisaabtu halkee iska qaban la’dahay, ayuu ninkii dukaanku ku yidhi – ‘oo fargal kaas gabadha ilmaha yar sidaa qaadatay miyaad xisaabisay?, iyo “Maya, oo ma fargal bay qaadatay?” Inta dhankeedii u dhaqaaqay isagoo cadhaysan, ayuu yidhi naga keen, maxaad ku falaysaa adigu dahabka? Sidii buu kaga celiyay, oo isagoo xanaaqsan lacagtii kale bixiyay! Miyaanu inan gumeed ahayn? Maxaad u malaynaysaa hooyadaas naxdinteedu inay noqon karto? Shil baabuur oo naxdin leh? Kansar? Wadno-istaag? Dhul-gariir? Ka sii daran!

XAASASKAN XAQOODA HALA SIIYO HOOYINKAN WAA LAMA HURAN

Hooyooy La,aantaa Higgaad lama Barteenoo.


Hooyooy La,aantaa Hadal lama kareenoo.


Ruuxaadan Habinoo kolba aadan Heesiyo,


Hoobay ku Sabinoo Hawshaada waayaa Hanaqaadimaayee.


Hooyoy Taftaadaa Dugsi laga helaayoo.


Hooyoy Dhabtaadaa Hurdo lagu Gam’aayoo.


Hooyoy Dushaadaa Nabad lagu Helaayoo.


Waxa lagu Halmaalaa Hooyo Ababintaadee.


Hayin lagu Baraaraay,Hogol lagu Qaboobaay.


Gogol lama Huraaneey,Dugsi lagu Hirtaayeey,


Hiddo lagu Arooraay !!!!


Inta aad Hooyo Nooshahay Hambalyo Salaan baan


Hanti kaaga dhigaayaa,Hamrashiyo Xaqdhawr baan


Dusha kaa huwinayaa, Hooyo Dhimashadaaduna


Hoogeyga waayee,waligay hogaagaan ka dul heesayaayoo


Hiyiga iyo Laabtaan kugu haynayaayoo 


Hangal baan u xirayaa inta haada duushiyo idil habar dugaageed


IFKA HIBO KU NOOLOOW AAKHIRO HALKII ROON.

Waxa sida runta ah aan falladeenan ku soo qadanayna xasuusin oo qudha qof walo akhristan waxaan kula talinay inuu is qiimeeyo isaga iyo waalidki faraqa uu dhexeeya waxaany ino wada taraysa waa aad weyn badanaba waxaan samayna faalooyin ka hadlaya siyaasad bal markan aan hooyinka is xasuusino iyab waa siyaasada caalamka iyo waxaan la hurayn ,xadiis naiga laga wariyyena waaki laha qofka labadiisa walid nool yihiin jano waa agtiisa ee ka faaiidaysata inta ay walidiintood dhimatayna ilhay ha uu naxariisto kuwa kalana ha ka faaiidaystan qormadeena todobaadka .

khadarbitijoor@hotmail.com

+256791661106

OFFICE UGANDHA SDNNEWS

Comments are closed