|

Hoosgeynta Madaxtooyada ee Hay’ada Wadooyinka iyo Xeerka Baanka Islamiga oo ahaa Ujeeda dhabta ah ee uu Madaxweyne Siilaanyo mar u soo wada saaray dhawrka wareegto saqda dhexe

London Oct 06,2012(SDN)-Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Siilaanyo ayaa xalay mar qura ooda ka soo rogay dhawr wareegto oo caad looga dhigay laba wareegto oo ahaa sababta dhabta ah ee madaxweynuhu ka lahaa isku shaandheyntan aan nooceeda hore loogu arag nidaamka dawliga ah.

Waa ay dhacdaa in hay’adaha dawliga loo kala bedelo wasaaradaha ay hoos tagaan,balse inta badan waa dhif iyo naadir in hay’ado madaxbanaan la hoos geeyo wasaarad.

Hadaba maxey aheyd sababta uu madaxweynaha Somaliland xili aan munaasib aheyn oo saq dhexe ah uu u soo saaray waxaanoo wareegtooyin ah?

Waa ta kowaade Madaxweyna Axmed Siilaanyo ayaa ujjeedadiisa dhabta ah ee uu wareegtooyinka isu daba dhigay waxa ay aheyd isaga oo damacsanaa in uu daah ku guddbo hoos geynta Hay’da Wadooyinka Somaliland wasiirka madaxtooyada Xirsi Xaaji Xasan.

Reer Somaliland in baan oo ka mida ayaan garaneyn micnaha iyo ujjeedada arrinkan laga leeyahay,oo isweydiin kara maxaa ku jaban in Hay’adaa madaxbanaaneyd wasaarad la hoos geeyo,iyo wadooyinka ayuunbay ku shaqo leedahaye maxaa ku jaban?

Balse hadii xaalku sidaa yahay wasaarada awoodeeda lagu dawkhsan yahay ee Madaxtooyada lama hoos geeyeen.

Hay’ada Wadooyinka Somaliland ee SRA ayaa waxa hanti aad u faro badan ay ka soo gashaa dhinacyo kala duwan oo ay ugu muhiimsan tahay canshuur la dul dhigay shidaalka dalka soo gala.

Kolka laga soo bilaabo Haamaha shidaal ee dalka maraakibta iyo isticmaalka wadooyinka dalka,lacagahan oo uririntooda ujjeedada laga lahaa waxa ay aheyd in wadooyinka dalka dib loogu dhiso.

Hadaba waxa si waafiya u muuqda in wasaarada madaxtooyadu oo hore u aheyd uun wasaarad aan soo dhaafin maareyta hawlmaalmeedka Madaxtooyada dalka ay haatan ka mid tahay wasaaradaha ugu maaliyada badan dalka.

Waxaa iyana aan la yaab leheyn in wasiirka xukuumada ugu awooda badan la hoosgeeyay wasaarad miisaniyad mug lehi ay ka soo xarooto.

Wareegtada uu Madaxweynuhu ku dhaqan geliyay xeerka Baananka Islaamka ayaa qudhiisa u muuqda in uu uu u xagliyano mid ka mida ganacsada dalka ee miisaanka ugu weyn ku leh dalka.

Shirkada Dahabshiil ayaa tiraba dhawr shaacisay damaceeda ku wejahan in la unko sharci hagaya nidaamka baananka dalka,mudana dabada ka riixeysay.

Xeerkan ayaa dabar ku noqonaya in dalku yeesho Bangi dhexe oo awood leh oo ummada iyo ganacsatada isku si ugu shaqeeya.

Xukuumadu waxa ay aheyd in Baanka dhexe ee dalku noqdo Baanka maareeya hantida dalka,isla markaana xeeriya habsami u socodka nidaamka dhaqaale ee dalka.

Tusaale ahaan waxa ay aheyd in Baanka dhexe ee dalku noqdo ka jaan gooya heerka sarifka lacagaha qalaad,iyo in uu hantida u kala wareejiyo  ganacsatada iyo shacabka reer Somaliland.

Waxaase haatan muuqata in Baanka la doonayo kiyoo dabran in uu ka dhan shaqeeyo shirkado la shir yimi xeer iyaga u dan ah oo ay dadka intiisa baan mudo ku qaadan doonto fahamkiisa mudo intaa ka dheerna sixidiisu qaadan doonto.

SDN-London
contact@somalidiasporanew.com

Comments are closed