|

Hoolka qaliinka Cusbitaalka Hargeysa oo lagu wareejiyay Ajinabi iyo Shaqaalaha oo cabasho ka muujiyay

Hargeysa, 11, April 2012 (SDN)- Cusbitaalka Guud ee magaalada Hargeysa ayaa maalmihii u dambeeyay waxa ka taagan xaalad cakiran oo la xidhiidha hawl maalmeedka dhakhaatiirta iyo shaqaalaha Cusbitaalka.

Todobaadkii hore ayay qaar ka mid ah dhakhaartiirta ka hawlgala Cusbitaalka Guud cabasho ka muujiyeen, ka dib markii sida ay sheegeen agaasimaha guud ee Cusbitaalku ka xidhatay hoolka qaliinka deg dega ah, isla markaana ay xanibmeen bukaan badan oo adeeg u soo doontay, iyadoo loo ogolaaday keliya shaqaale ajinabi ah oo ay agaasimaha guud dhawaan shaqada keentay.

Sidoo kale, shaqaalaha ka hawlgala Cusbitaalka Guud ee muwaadiniinta ah ayaa maanta kacdoon ka muujiyay takoor ay sheegeen inay ku samaysay agaasimaha guud ee Cusbitaalka, iyadoo loo diiday inay galaan hoolka qaliinka, taasoo shaqaalaha ajinabiga ah mooyee aan cid kale loo ogolayn.

“Agaasimaha Cusbitaalka waxay keentay ajinabi waxaanay  u dhiibtay hoolkii qaliinka, iyadoo ka dareerisay dhakhaatiirtii iyo shaqaalaha muwaadiniinta ahaa.” Sidaa waxa yidhi mid ka mid hawl wadeennada cusbitaalka oo aanu wax ka waydiinay sababaha keenay kacdoonka.

“Shaqaalahan ajinabiga ah ayaa qofka ay gacanta u qaadaan ee ay qaliinka ku samaynayaan waxay haysanayaan in ka badan 12 saacadood, iyadoo saacad wax ka yar dhakhaatiirta muwaadiniinta ahi ku qali jireen.” Ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Haddaba kacdoonka ayaa lala xidhiidhay inuu keenay hadal uu shalay Wasiirka Caafimaadku ku difaacay hanaanka uu u socdo shaqada cusbitaalku, isagoo Wasiirku beeniyay dhacdooyin hore uga dhacay Cusbitaalka Guud ee Hargeysa.

Sidoo kale, mar aan isku daynay inaanu wax ka waydiino maamulka cusbitaalka sababaha xilligan soo celcelinaya cabashooyinka ka imanaya dhinacooda ayaanay noo suurtogelin ka dib markii aanu ka waynay Agaasimaha xafiiskeeda, isla markaana ay noo suurtogeli wayday inaanu ku helno khadka telefoonka.

Dhinaca kale, qaar ka mid ah hawl wadeennada Cusbitaalka ayaa Shabakada Wararka Qurbejoog u xaqiijiyay in la filayo in galabta ay shir wada gali doonaan hawl wadeenada cusbitaalka iyo Wasiirka Wasaaradda Caafimaadku.

SDN, Hargeisa

 

Comments are closed