|

Holland oo Soomaalida Shirci la’aantu heyso u qaadeysa Somaliland

Amesterdam June 04,2012(SDN)-Soomaali dalka Holland Qaxoootinimo ku joogta oo sharcigii dalkaa loo diiday ayaa ay dhici kartaa in dhaqso dalka Dib loogu soo celiyo,sidaa waxa dhawaan dood ka yeeshay Baarlamaanka dalkaasi.

Qaxootigan Soomaalida ah iyo qaar kale oo ka kala yimi dalalka Itoobiya,Eritrea,Ciraaq iyo Iran ayaa dhawaan ciidamada Booliska ee dalka Holland waxa ay cagta mariyeen xero sharci daro aheyd oo ay ka dhisteen meesha la yidhaahdo Tel Abel.

Xildhibaanada Baarlamaanka ee dalka Holland ayaa qaar ka mid ahi waxa ay walaac ka muujiyeen sida dawladu ula macaamiishay Qaxootiga,halka dawladuna isaga difaacday in dib dalalkoodii loogu celiyo megen-gelyo doonka.

CabdilahiYusuf oo ka mid ah qaxootiga Soomaalida ee aan sharciga la siin ayaa sheegay in uu la yaaban yahay hab dhaqanka dawlada Holland.

“Waxaan ku noolahay shaarica,ma heysto waxaan cuno iyo waxaan cabo toona,waxaan la yaabanahay dawlada iyo shicibka Holland hab dhaqankoodan,dunidana waanu u sheegeynaa sida ay noola dhaqmeen”ayuu yidhi Cabdilahi Yusuf.

Wasiirka soogelootiga ee dalka Holland Gerd Leers ayaa sheegay in Soomaalida aan wadankooda weli lagu celin kareynin,bacdamaa aan Shabaabka weli laga sifeyn dalka.

Balse waxa uu intaa raaciyay in Soomaalida dooneysa in ay Somaliland ka degaan la geyn doono halkaasi.

Sidoo kale waxa uu wasiirku sheegay in Soomaalida ka soo jeeda degaanada Shabaabku gacanta ku hayaan la siin doono aqoonsi qaxootinimo.

 

Comments are closed