Hoggaankii Hore Ee Hay’adda Sirdoonka Ethiopia Oo Maxkamad La Hor Keenay
Addis Ababa:21-March-2014(SDN)-Waxa Maalintii shalay la Soo taagay Maxkamad ku Taalla Addis Ababa Madaxii Hore ee Hay’adda Sirdoonka Ethiopia Wondesilassie oo in muddo ah Xabsi ku jirey.
Madaxan hore ee Sirdoonka ayaa loo Haystaa Musuqmaasuq iyo wax isdaba marin uu galay, balse waxa uu si adag uga soo Horjeestay eedaymahaas loo soo jeediyey, waxana uu sheegay inaanu gelin dambiyada haatan lagu haysto.
Eedahan Ninka hore madaxda uga ahaa Sirdoonka Ethiopia loo Haysto waxa ku Wehelinaya Wiil iyo Gabadh ay Walaalo yihiin iyo waliba nin ay saaxiib dhaw ahaayeen, waxana Dhammaan Loo haysto isku dembi kaliya.
Hay’ada la dagalaanka Musuqmaasuq ee dalka Ethiopia ayaa masuulkan xilka sare ee xasaasiga ah soo qabtay ku eedeeyay inuu galay dambiyo kala ah musuqmaasuq baahsan,xadgudub masuuliyadeed, canshuur bixin la’aan iyo arimo kale.
Maxkamada ayaa kiiska eedaysanahan dib u dhigtay ilaa iyo 8 May 2014 iyadoo xeer ilaaliyaashu sheegeen in 08/05/2014 ay maxkamada keeni doonaan 10 makhraati oo ku maragkici doona eedaysanha.
Woldesilassie Woldemichael ayaa u dhashay qoomiyada Tigreega isagoo xiligii lasoo xidhayay ahaa madaxii Ha’yada sirdoonka gudaha ee Ethiopia.
Dalka Ethiopia waxa si weyn loola Dagaalamaa Musuqmaasuqa iyo wax isdaba marinta, waxana ay taasi keentay inay yaraadaan isku dayada lagu lunsanayo Hantida Dawladda oo inta Badan Dawladaha Afrikanka si weyn ula Hadhay.
S.D.N