Hoggaanka AMISOM Oo Ku Dhawaaqay Wakhtiga Rasmiga ah ee ay Somalia Ka Baxayaan
Muqdisho:Aug,21,2014(SDN/QJ)-Xoogagga Midowga Afrika Somalia ka Jooga ee AMISOM, ayaa si ku-meel-gaadh ah u sheegay xilliga rasmiga ah ee ay damacsan yihiin inay Somalia ka Bixi karaan.
Talisku waxa uu sheegay inay Horraanta sanadka 2016-ka ay qorshaynayaan inay Gebi ahaanba iska baxaan Somalia oo marka xilligaa la gaadho muddada ay ku sugan yihiin Noqon doonto Sagaal sanadood.
Amisom waxay markii ugu horeysay ay geyiga Somaliyeed soo cago dhigtay bishii March ee sanadkii 2007-dii, laba bilood ka dib markii Midowgii Maxkamadaha Islaamiga ahaa laga fara maroojiyay gacan ku hayntii Caasimada.
Ku Simaha Madaxa Hawlgalka Midowga Afrika ee Somaliya haweeneyda lagu magacaabo Lydia Wanyoto Mutende, ayaa sheegtay in Xoogaga Amisom ay isaga bixi doonaan dalka Somaliya, kolka la gaadho sanadka 2016-ka.
Haweeneydu waxay sheegtay in qorshaha Amisom uu yahay in ay ka wada baxdo Somaliya, waxaana la rabaa sida ay sheegtay in la xoojiyo tayada Ciidamada Qalabka Sida ee Somaliya, isla-markaana ay Amisom gacan ka geysan doonto dib u dhiskooda.
Sidoo kale waxay Ciidanka Xooga Dalka ku boorisay in ay u joogsadaan, sidii ay dalka uga sifeyn lahaayeen dagaal-yahanada Ururka Al Shabaab, oo ay ku eedeysay in ay caqabad ku noqdeen xasiloonidii Somaliya.
Lydia Wanyoto Mutende ma sheegin in tallaabada laba sano ka dib kaga baxayaan Somaliya, ay isla ogyihiin Dowladda Federalka ee Somaliya & Beesha Caalamka iyo in kale, marka laga soo tago in ujeedkoodu uu yahay sanadka 2016-ka, inay soo baneeyaan Somaliya.
Mutende waxay shalay hadalkaan ka sheegtay Magaalada Kampala ee Xarunta Uganda, mar ay tababar ugu soo xidhay ilaa 30 Sarkaal oo ka tirsan Saraakiisha Ciidamada Dowladda, oo muddooyinkaan dambe tababar ku qaadanaayay dalkaasi.
SDN/QJ