Hoggaamiyayaasha Maamulka Jubba Oo Ra’isal Wasaaraha ku Gacan Saydhay Qoddobo Saldhig u ahaa Wadahalladooda iyo Kala Fogaansho cusub oo Soo Baxay
Kismayo:15-April-2014(SDN)-Wararka Laga Helayo Wadahadallada Dhexyaalla Waftiga Ra’isal wasaaraha Somalia Hoggaaminayo iyo Maamulka Jubba, ayaa sheegaya inay JIraan Qoddobo Muhiim ah oo la isku Mari la’yahay.
Arrimaha la isku Mari La’yahay, ayaa waxa ugu horraysa Arrinta Barre Hiiraale oo Muddooyinkii u dambeeyey Magaalada Muqdisho ku sugnaa, iyadoo waliba Maamulka Jubba ay aaminsan yihiin in Dawladdu soo Hubaynayso, waxana ay si cad u sheegeen inaanay wax wada Hadal ah la Geli doonin.
Sidoo kale Maamulka Jubba ayaa si weyn udiiday inay DF ku wareejiyaan Dekadda iyo Airporka Kismaayo oo ah halka dhaqaalaha ugu badan ee magaalada kasoo galo, iyadoo arrintaasina ay si weyn uga Cadhaysiisay Ra’isal wasaaraha iyo Waftigiisa.
Guddoomiyaha degmada Kismaayo ee gobalka Jubbada Hoose Maxamed Yuusuf Tima-Jilic ayaa sheegay inaysan suura gal ahayn in dekadda iyo garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo ay ku wareejiyaan dowladda dhexe ee dalka.
Waxa uu sheegay guddoomiye Tima-Jilic in dekadda Kismaayo ay lamid tahay dekadaha goballada dalka ku yaalla isla markaana iyagu ay xubno ka yihiin dowladda Soomaaliya oo aanay waxba kaga duwanayn Dekedaha kale ee Maamulladoodu Gacanta ku Haystaan.
Wada Hadallada ayaa Haatan meeraya meel Jiitamaysa, waxana Mugdi uu soo Kala Dhexgalay labada Dhinac, iyadoo uu jiro warwwar ah inay wada Hadalladu Burburaan.
S.D.N
Contact@somalidiasporanews.com