Hoggaamiyaha Maamulka Jubba Land Oo Lagu Cadaadinayo Inuu Wareejiyo Dekedda Iyo Garoonka Kismayo
Kismayo:Aug,27,2014(SDN/QJ)-Hoggaamiyaha Maamulka Juba Land Sheeh Axmed Maxamed Islaam (axmed-madoobe), ayaa Haatan lagu cadaadinayaa sidii uu dalwadda Federalka ah ugu wareejin lahaa Dekedda iyo Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Kismayo.
Heshiis ay sanadkii hore Dowladda iyo Maamulka Jubba ku wada gaadheen Magaalada Addis Ababa, ayaa waxaa laga soo saaray in lix bilood ka dib Dowladda Somaliya, lagu wareejiyo Maamulida Garoonka iyo Dekeda Kismaayo, balse uu taasi markii dambe ka horyimid Maamulka Jubba.
Xilligan waxaa Magaalada Kismaayo ku sugan wefdi ka kala socdo Dowladda iyo Urur Goboleedka Igad, kuwaa oo Maamulka Jubba culeys ku saaraaya sidii uu u wareejin lahaa Garoonka iyo Dekeda Kismaayo.
Wararka waxay intaasi ku darayaan in Masuuliyiinta Maamulka Jubba ay weli ka biyo diidan yihiin, in Dowladda Somaliya lagu wareejiyo inay maamusho Garoonka iyo Dekeda ee Magaalada Kismaayo.
Siyaasiyiinta ka soo jeedo Gobolada Jubbooyinka iyo Gedo, ayaa waxay isha ku hayaan shirar kala duwan oo ka soconaayo Madaxtooyada Magaalada Kismaayo, lamana oga halka ay arrintani ku soo biyo shuban doonto.
Axme Madoobe ayaa haatan waxa ay si weyn isku hayaan Hoggaamiyihii uu dagaalka kaga adkaaday ee Barre Hiiraale, kaas oo ku gooddiyayaya inuu dhawaan weerari doono Magaalada Kismayo, waxana cadaadiskan cusubi kusoo biiray urur-goboleedka EGAD oo isagu markii horeba gacan ku lahaa heshiiskii Dawladda Federalka ah iyo Maamulka Juba.
SDN/QJ