|

Hoggaamiyaha Cusub ee Al-shabaab Oo Isbeddelo Horleh Ku Baaqay

Barawe:Sep,14,2014(SDN/QJ)-Hoggaamiyaha Cusub ee Kooxda Al-shabaab Shekh Axmed Cumar Abucubayda, ayaa la sheegayaa inuu ku dhawaaqay isbeddelo horleh oo uu kooxda ku samayn doono.

cubiAbu Cubaydah, ayaa la sheegayaa in kullan uu la qaatay in kabadan 49 Horjooge uu ku wargaliyay inay soo gudbiyaan gabi ahaab Xabsiyada Axmed Godane, gaar ahaan kuwa sida qarsoon uu ugu shaqeynaayay inta uu noolaa.

Abu Cubaydah ayaa ballan qaaday inuu albaabada u laabi doono dhamaan xabsiyada qarsoodiga ah oo ay ku xidhanyihiin Saraakiisha Maleeshiyada kuwa Mucaaradka ah iyo Eedeysanayaashii u xidhnaa Godane.

Saraakiisha u xidhnaa Godane ayaa weli ku jira Xabsiyada Qarsoodiga ah, waxaana la sheegayaa inay iska xidhnaayen muddo badan, ayna la kulmayeen ciqaab, mana jirin inta ay xidhan yihiin wax Maxkamad ah oo lasoo taagay.

Sidoo kale, Abu Cubaydah, ayaa waxaa lagu wadaa inuu yareyn doono Dagaalamayaasha Alshabaab, isagoona aad u kordhin doono Sirdoonka iyo kuwa Kooxda u qaabilsan Madaxjabinta ama Amniyaadka loo yaqaan.

Dhanka kale, Ballan qaadka uu ku dhawaaqay Abu Cubaydah, ayaa waxaa la sheegayaa in Haddii uu ka dhabeeyo ay noqon doonto tallaabadii u horeysay oo macnaheedu yahay wanaajinta muuqaalka sii xummaanaya ee kooxdaas iyo kasbashada xubnaha ka fallaagoobay kooxda.

Hoggaamiyaha cusub ee kooxdan  oo ah  nin aan aa  loo aqoon ayaa la dhawrayaa talaabooyinka ugu horreeya ee uu qaado, waxana lagu wadaa inuu dhawaan is muujin doono, maadaama looga baahan yahay inuu kooxda ka saaro xaaladda adage e ay ku jiraan xilligan dagaalladu ku socdaan.

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

 

Comments are closed