Hoggaamiyaha Alshabaab oo Ka Hadlay Deegaanadii laga Saaray
Muqdisho Oct 28,2012(Hubaal-W/wararka)) – Hoggaamiyaha ugu sarreeya ee Xarakada Al-Shabaab Sh. Mukhtaar Cabdiraxmaan (Abu-Zubeyr) oo cajalad maqal ah soo saaray ayaa ka hadlay arrimo dhawr ah oo ay ka mid yihiin sida uu u arko dawladda cusub ee Soomaaliya iyo weliba dagaallada ay kaga soo hor jeedaan ciidamada dawladda iyo kuwa AMISOM.
Sheekh Abu Zubeyr waxa uu ugu horreyn hambalyo ciidda ku aadan u diray shacabka Soomaaliyeed, isaga oo sheegay in dalka Soomaaliya lagu soo qaaday duullaan dhinacyo badan leh, waxaanu xusay inaanay Xarakada Al-Shabaab marnaba joojin doonin dagaalladooda ka dhanka ah ciidamada dawladda iyo kuwa AMISOM ee ku sugan qeybo ka tirsan gobollada dalka Soomaaliya.
“Ujeeddada ay ka leeyihiin duullaanka Soomaaliya waa dhoofka kheyraadka dalka, sida shidaalka iyo macaadiinta, maadaama caalamka ay soo foodsaartay burbur-dhaqaale, Soomaaliyana ay u arkaan keyd ka mid ah keydadkooda,” ayuu yidhi Sheekhu.
Amiirka Guud ee Xarakada Al-Shabaab waxa uu si ballaadhan u naqdiyay dastuurka cusub ee dawladda Federaalka Soomaaliya, kaas oo ay ku dhisan tahay xukuumadda uu hoggaamiyo Madaxweynaha dhowaan la doortay, Md. Xasan Sh. Maxamuud.
“Tiirka ugu weyn ee ay dawladda riddada ahi ku taagan tahay waa Dastuurka Gaalada oo loogu talogalay inuu saldhig u noqdo doorinta ummadda. Waa distoor loogu talogalay inuu sameeyo dad diinta Kiristaanka haysta inay la soo shaacbaxaan riddanimadooda oo ay xaq muwaaddinnimana yeeshaan. Waa distoor loogu talogalay xero-ka-saarka haweenka. Waa distoor ilaalinaya anshax-xumada iyo dhimirawga bulshada. Waa distoor jidaynaya dhaca bulshada, dalkana gumeysi u gacan-gelinaya. Waa dastuur Islaamka la dagaallamaya, hantida, sharafta iyo dhiigga muslimiintana xalaashanaya, iyaga oo food-saaro ka dhiganaya waxa ay ugu yeedhaan ‘la-dagaallanka argaggaxisada’”.
Intaas kaddib hoggaamiyaha Al-Shabaab waxa uu soo qaatay tixo door ah oo ay ka mid ahayd tuducyo ka mid ah tixda Daba-huwan ee Abwaan Hadraawi: “Cilmigan dul ka xaadiska ah, Cilmigan sama-dawdarka ah, Caqligu ka daboolan yahay, Bukaankiyo daafka qaba, Gumaysigu diin u yahay, Ilaah lagu diiddan yahay, Islaam la-dagaallanka ah, Danaysigu weel u yahay, Wanaaggu ka dayro yahay, Xumaantu u doorran tahay, Dadkiyo simay xoolihii, Raggiyo dumarkii furfuray, Intuu dumarkii is baday, Raggii dumar qaar ka dhigay, Af-duubkiyo qoolka taxan, Run baa lagu daahayaa, Dijaal korayaa qaarsoon!”.
Hoggaamiyaha Al-Shabaab ayaa sheegay in ay la dagaallami doonaan dawladda Cusub oo uu ku tilmaamay in ay tahay koox ay soo barbaariyeen waddamada reer galbeedku, islamarkaasna la wadaaga diin iyo dhaqanba, wuxuuna xusay in sababta KMG dalka looga saaray ay tahay in dawladda cusub ay gasho heshiisyo caalami ah, si kheyraadka dalka loola baxo.
Sidoo kale waxa uu sheegay in soo gelitaanka ciidamada Kenya ee Soomaaliya uu yahay khalad kamid ah khaladaadka waaweyn ee ay galeen waddamada reer galbeedka, isaga oo tilmaamay in dawladda Kenya ay ka shallayn doonto soo gelitaankooda Soomaaliya.
Mar uu ka hadlayay magaalooyinkii ugu danbeeyay ee ay la wareegeen ciidamada dawladda iyo kuwa AMISOM, Sheekh Abu Zubeyr waxa uu ku dooday in aanay guushu ahayn magaalo la qabsado, waxaanu xusay in maamulladoodii ay weli ka shaqeynayaan magaalooyinkii lagala wareegay.
Hoggaamiyaha Al-Shabaab ayaa ugu dambayn ugu baaqay beelaha Soomaaliyeed in ay u istaagaan dagaal Jihaad ah oo lagaga hor tegayo ciidamada dawladda iyo kuwa AMISOM ee isku fidinaya gobollada dalka.
Cajaladdan maqalka ah ee uu soo saaray hoggaamiyaha ugu sarreeya Al-Shabaab ayaa ku soo beegmeysa xilli ay ciidamada dawladda oo kaashanaya kuwa AMISOM la wareegeen magaalooyin muhiim ah oo ay hore gacanta ugu hayeen xoogagga Al-Shabaab.
SDN-Muqdisho
contact@somalidiasporanews.com