Hogaankii Ururka Ahlu Sunna Waljamaaca oo Mudadii Xilkooda loo kordhiyay
Muqdisho 04.Feb 2014 (SDN)- Shir muddo toddobaad ah u socday golayaasha maamulka Ahlu Sunna Waljamaaca ee gobollada dhexe oo maanta la soo gabagabeeyay ayaa sanad loogu kordhiyay muddada uu xilka haynayo Golaha Talada ee maamulkaas.
Shirka oo looga hadlay arrimaha siyaasadda, horumarinta deegaannada maamulka Ahlu Sunna iyo u diyaar-garowga hannaan maamul goboleed loogu sameynayo gobollada dhexe ayaa go’aannadii kale ee ka soo baxay waxaa ku jiray in Golaha Fulinta iyo iyo guddoomiyaha saddexda gole muddadada ay xilka haynayaan loogu kordhiyo lix bil.
Waxaa la isku afgartay in dib-u-heshiisiin la dhex dhigo beelaha wada dega deegaannada maamulka, xaqiijinta qorshaha u degsan dhaqaalaha maamulka, abuurista ilo dhaqaale iyo dhameystirka dhismaka maamulka gobolka Galgaduud.
Guddoomiyaha Golaha Talada ee maamulka Ahlu Sunna Waljamaaca ee gobollada dhexe, Sheekh Cumar Sheekh Cabduqaadir Aadan oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in shirka lagu qiimeeyay waxyaabihii u qabsoomay iyo wixii u qabsoomi waayay maamulka.
Muqdisho SDN.
Qurbejoog.com