Hogaanka Ururka Solja oo Meel adag iska Taagay Xeer anshax oo Xukuumadu dabada ka riixaysay kana hadlay Dhacdadii Wargayska Hubaal iyo Jawaab ay ka bixiyeen hadalkii Wasiir xigeenka Warfaafinta
Hargasya 24.May (SDN) Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, ayaa cadeeyay inaanay u aqbalayn una Hogaansami doonin xeer cusub oo ay Xukuumadu dabada ka riixaysay kaas oo ka dhashay Aqoon korodhsi Sadex maalmood ka socday Hoteel Ambasador Isla markaana lagu Saxeexay.
Shir jaraa’id oo ay maanta ku qabteen Xarunta Ururka SOLJA ee Magaaladda Hargeysa ayaa waxa ay ku sheegeen in aanu xeerkaasi ahayn mid u yaala isla markaana aan qaban Karin saxafayiinta Reer Somaliland ee ka talo qaata ururka Suxufiyiinta SOLJA.
Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta ee SOLJA Xasan Maxamed Yuusuf, waxaanu yidhi oo Madashii Kulankaas ka hadlay ayaa waxaa hadalkiisii ka mid ahaa “Maanta waxa aanu doonaynaynay in aanu halkan kaga hadalno xeer la sheegay In uu yahay ka anshaxa, kaas oo siminaar arbacadii aqoon korodhsi lagu qabtay hoteel Ambasaddor ay ku kala saxeexdeen dawladda iyo xubno saxafiyiin ah oo ka socday warbaahinta ay xukunto dawladu”.
Gudoomiyaha Solja oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu yidhi “Waxa aan halkan ka cadaynayaa in ururka suxufiyiinta Somaliland ee Solja oo metela saxaafadda Somaliland aanu waxba ka ogeyn, waxaanan halkan idiin sheegayaa in xeerkaasi hadii uu shaqaynayo iyo hadii kaleba aanu ahayn mid anaga na qabanayo”.
Xasan Maxamed Yuusuf waxaa kale oo uu Xusay inaan Urur Ahaan laga talo galin loona Sheegin Xeerkan la kala saxeexday “Anaga nalagama talo gelin, nalooma soo sheegin, maanaan saxeexin, manaan ogeyn markaa sidaas darted sabab uu noo qabtaana meesha ma taalo, warbaahinta sida wargeysyadda iyo telefishanadda intooda badani waxa ay na soo weydiiyeen bal waxa aanu ka ognahay xeerkaas, anaga oo ah ururka Suxufiyiinta ee SOLJA ayaanba waxba ka ogeyn, ilaahay beeni waa ka xaaraan, masuuliyiinta Wargeysyadda iyo idinka oo suxufiyiin ah ayaaba noo sheegay in uu aqoon korodhsi ahaa” ayuu yidhi Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee Solja .
Gudoomiyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in arrinkaasi uu ahaa Mid Xaaraan ah oo aan u qalmin Saxaafada Somaliland “Xalaal iftiin baa la qashaa, maanaan garan waxa busta loo saarayo, hadii uu xeer saxaafadda u yaala uu yahay waxa ay ahayd in saxaafadda badankeeda loo sheego, xeerkani intaa waa ka balaadhan yahay, hadaan meesha wax la qarsanayaa uu ku jirin, maxaa naloogu soo sheegi waayay, maxaa hay’adaha warbaahinta markii la lahaa waa siminaar loogu sheegi waayay, arrintaasi waxa ay u taalaa akadamiga”
Gudoomiyaha Solja waxa uu intaas ku daray “Waxa aan cadaynayaa hadii aanu nahay ururka suxufiyiinta Somaliland in aanu xeerkaasi ahayn mid noo yaala cida lagu dhaqayaana aanay anaga ahayn, laakiin masuuliyiintii dawladda ee meesha ka hadlayay iyaga ayaa garanaya cida uu xeerkaasi qabanayo ee lagu hogaaminaayo”.
Xasan Maxamed Yuusuf Guddoomiyaha Ururka Saxaafadda Somaliland ee SOLJA isagoo daba jooga hadalkii uu Wasiir Ku Xigeenka Warfaafinta Somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) ka jeediyay Madashii Xidhitaanka Tababarkaas ayaa yidhi “Waxa aan doonayaa in aan wax kaga noqdo khudbad uu madashaas ka jeediyay Wasiir Ku Xigeenka Warfaafinta Somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse), saxaafadii Somaliland oo dhami sidii ay hortiisa fadhido waxa uu yidhi xeerkani waa kii aad samaysateen, Cabdilaahiyoow shalay suxufi baad ahayd, hadana wasiir baad noqotay, hadana waad ka tagtay oo suxufi baad noqotay, hadana waad ka tagtay oo wasiir baad noqotay, Berrina waxa laga yaabaa in aad suxufi ku soo noqoto, Hadaladaadii “Wasiir ku Xigeenka” waxa ku jirtay in aanu dalku bilaa sharci noqon, anaga ayaa rabna in la helo wax kala haga xukuumadda iyo warbaahinta, laakiin wasiir kan aad adigu samaysatay ee aad labadda jeer saxeexday, USJ adiga uun baanu kaa maqli jirnay? ayuu yidhi.
Gudoomiyaha Solja Waxa uu Sheegay in Xukuumadu ay ilaa iyo hada waxba ka qaban dhacdadii lagu weeraray Wargayska Hubaal “Arrin kale ayaa jirta oo xarun warbaahineed oo wargeyska Hubaal ah ayaa la weeraray 30 cisho ayaa ka soo wareegtay markii uu dhacay arrintaasi ilaa hadda wax jawaab ah oo aanu haynaana ma jirto, nalama odhan waxbaanu idiinku maqanahay, xitaa iska samrana nalama odhan, iyada oo ay qodaxdaas labaad nagu mudan tahay, ayaa xildhibaan soo fadhiistay warbaahinta qaarkeed, markaasuu sheegay in xeerkii saxaafadda la soo saaray oo si degdeg ah mooshin loogu dhigayo, mooshin weynu naqaanaa oo ragii shuruucda naqaanay mooshin waa wax si degdeg ah lagu soo dhaafiyo golaha wakiiladda, iminkana xeer anshax oo uu cabdilaahi laba jeer saxeexay ayaa nala yidhi kana waa kan, dalkan iyo dadkan anaga ayaa iska leh oo ubadkayagii iyo waalidkayagii baa jooga, warbaahintu iyada oo qori la sito ayuu rikoodhku shaqaynayay, warbaahintu iyada ayaa hubka dadka ka dhigtay” ayuu yidhi.
Sidoo Kala guddoomiya ku xigeenka ururka suxufiyiinta Somaliland e SOLJA Maxamed Cabdi Curad oo isna shirkaasi jaraa?id ka hadlay ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay xeerkaasi waxaanu yidhi ?Xeerkan soo hadal qaadkiisaba ayaa xaaran ah, waayo loogu talogalay in lagaga gudbo doorashooyinkii baynu ognahay ceebtii iyo fadeexadii ka dhacday in arrimadeedii iyo utuntoodii, rag badan oo dalkan qaranimadiisii iyo madax banaanidiisiiba naf iyo maalba u soo huray oo uu Xasan ciise ka mid yahay, runtiina sidaas uu guddoomiyaha ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA sheegay, ururkaasi SOLJA ayaa hogaaminayo oo loo dabo fadhiisanayaa, mana jiro marka laga yimaado ururka Wija, mid kale oo soo raaca” ayuu yidhi.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com