Hogaanka Sare ee Xisbiga Kulmiye oo ka Hadlay Sababta ay uga Baxeen Balantii ay Xisbiyada Mucaaridka ah la lahaayeen Si Xal looga Gaadho Muranka Diiwaangelinta
Hargaysa 17.Sep 2014 (SDN/QJ)- Hoggaanka Xisbi Xaakimka Somaliland ee KULMIYE,aya ka hadlay halka uu ka taagan yahay xeerka labada diiwaan galinood ee is barkan oo ay Xisbiyada Mucaaridka Somaliland ee KULMIYE iyo WADDANI ay qaadaceen ay qaadaceen diiwaan galinta madaniga ah oo ay Xukuumaddu ku adkaysanayso in ay dhamaystirayso inta aanay doorashada xilligeeda gaadhin.
Hoggaanka Xisbiga KULMIYE waxaa kale oo uu ka hadlay oo uu jawaab ka bixiyay eedayn ay u soo jeediyeen xisbiyada Mucaaridka Somaliland oo ku eedeeyay Xisbiga KULMIYE in uu kaga baxay heshiis ay Xisbiyadu wada saxeexeen.
Gudoomiye xigeenka 1-aad ee Kulmiye Maxamed Kaahin Axmed, ayaa sheegay in Kulmiye diyaar u yahay Wada hadalka Arimaha doorashada balse aanay jirin Ballan rasmi ah oo dhex martay Mucaaradka “Waxaa jirtay Inay Shalay Galabtii nala soo xidhiidheen Xisbiyada Mucaaradka oo ay Ballan noo qabteen laakiin, anagu waxaanu u soo jeedinay inay arintu degdeg tahay sidaas darteedna aanu Xisbi ahaan iska arkayno. Islamaanu meel dhigin Ajandaha Shirka iyo goobta lagu kulmayo midna.waxay xalay soo saareen Eedayn ah inaanu kaga baxnay Ballan” ayuu yidhi Maxamed Kaahin.
Hdaba halkan ka akhriso war-saxaafadeed uu soo saaray hoggaanka Xisbiga KULMIYE oo uu ku saxeexan yahay guddoomiye ku-xigeenka koobaad ee Xisbiga KULMIYE Maxamed Kaahin Axmed.
Hargaysa SDN/QJ
contact@qurbejoog.com