Hogaanka Sare ee Labada Xisbi Mucaarid iyo Madaxweyne Siilaanyo oo Kulan ay kaga arrinsanayeen Diiwaangelinta Madaniga ah iyo Ta Codbixiyeyaasha oo Natiijo la’aan ku kala Kacay
Hargaysa 25.Aug 2014 (SDN/QJ)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud(Siilaanyo), ayaa Shalay kulan Albaabbadu u xidhan yihiin xarunta Madaxtooyada ee magaalada Hargeysa kula yeeshay Masuuliyiinta Xisbiyada Mucaaridka ah ee UCID iyo WADDANI Eng. Faysal Cali Waraabe iyo Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), kaasoo ay kaga wadahadleen arrimaha diiwaangelinta Cod-bixiyeyaasha doorashada iyo diiwaangelinta Muwaaddiniinta, isla markaana la sheegay inuu natiijo la’aan ku dhammaday, ka dib markii ay si hufan isu fahmi-waayeen saddexda Masuul.
Kulankan oo ahaa mid saxaafaddu dibad-joog ka ahayd, ayaa ahaa mid saacaado badan socday, waxana wararka hoose ee kasoo baxayaa sheegayaan in lagaga dooday Xeerka Diiwaangelinta Codbixiyayaasha oo Dhawaanahan Axsaabta Mucaaridku si weyn uga Qaylinayeen.
Wararka laga helayo Kulankaasi oo illaa duhurkii socday ayaa sheegaya in Mucaaradka iyo Madaxweynuhu isla fahmi waayeen qaabka loo dhigay labada xeer diwaan galineed oo Xukuumada Foodda isku gelisay, waxana mucaaridku Madaxweynaha ka codsadeen inuu kala saaro labada Diiwaangelinood.
Masuuliyiinta Xisbiyada Mucaaridka ah ee Somaliland, ayaa ku doodaya in la kala madaxbanaaneeyo Diwaan galinta Muwaadinka iyo diwaan galinta Codbixiyeyaasha, kuwaasi oo ay doonayaan in si siman la isku barbar wado.
Xukuumadda ayaa dhankeeda xeerarka dusha iska saartay waxana ay iyagoo isku dhex jira u gudbisay Golaha Wakiillada, waxana taasi keentay in mucaaridku aad u xumaadaan.
Tallaabada Xukuumadda iskugu barkisay Ladana xeer ayey Mucaaridku ku doodanayaan inay sabab u noqon karto doorasho dib u dhacda, waxana madaxweynaha laftiisu muujiyey inay arrintu gartahay balse wakhtiga oo kooban dartii loo baahan yahay in xeerarka dusha la iska saaro.
Madaxweyne Siilaanyo ayaa Mucaaradka u sheegay in qaabka Wasaaradda Daakhiligu u gudbisay ee ah in labada xeer la isku daro islamarkaana Diwaan galinta Madaniga ah la dhamays tiro ka dibna la bilaabo kaadhka Codbixinta uu taageersan yahay.
Kulankan ayaa la sheegay inaan waxba la isla meel dhigin, waxase uu madaxweyne siilaanyo isku dayey inuu mucaaridka ku qanciyo inay aqbalaan xeerarka dusha iska saaran si doorashadu u qabsoonto, halka mucaaridkuna ka sheegeen in hannaankani keenayo in doorashadu wakhtigeedii dib uga dhacdo.
Xisbiyada Mucaaridka ah ee WADDANI iyo UCID, ayaa la filayaa inay Mawqif adag iska taagaan sida Xukumaddu u waddo Xeerarka doorasho oo midna Komishanku gudbiyay midna Wasaaradda Arimaha guduhu waday oo Xukumaddu isku dartay.
Hargaysa SDN/QJ
contact@qurbejoog.com