|

Hogaamiyihii mucaaridka Tunisiya oo toogasho lagu dilay iyo xiisad ka dhalatay

Tunis Feb 7,2013 (SDN) saraakiisha wadanka Tuunisiya ayaa sheegay in toogasho lagu dilay siyaasi mucaarid ah oo la odhan jiray Chokri
Belaid.

Nin ay walaalo yihiin siyaasiga la dilay ayaa warbaahinta u sheegay in Mr. Chokri Belaid laga toogtay madaxa iyo qoorta , xili uu kusii
jeeday xafiiskiisi shaqada .

Mr Belaid waxaa uu ahaa mucaarid calmaani ah oo kasoo horjeeda xukuumada ay horseedka ka yihiin  , xisbiga Islaamiga qunyar socodka
ah ee Ennahda party.

Sida laga soo xigtay  wakaalada wararka ee AFP, xafiisyo uu lahaa xisbiga Ennahda in loo geystay weeraro , isla markaana dhawr
magaalooyo oo dalkasi ku yaala ay ka dhaceen mudaharaadyo lagu diidan yahay dilkaasi,Dad cadhaysan ayaa lagu soo waramay in in ay iskugu soo uruureen barxada hore ee dhismaha wasaarada arimaha gudaha  magaalada xarunta ah ee Tunis.

Raysal wasaaraha Tuunisiya  Minister Hamadi Jebali  ayaa falkaasi ku tilmamay mid argagixiso ah, isla markaana waqcad ku ah kacdoonkii
Gu,ga carabta ee dalkani ka curtay.waxaanu intaasi ku daray raysal wasaaraha dalkaasi in falkaasi uu ahaa fal dambiyeed ka dhan ah
Tuunisiya oo dhan.

Madaxweyne Moncef Marzouki, ayaa baajiyey socdaalkii u ku tagi lahaa magaalada Qaahira si uu uga qayb galo shirka ay magaalada Qaahira ku leeyihiin madaxda wadamada ururka Islaamka.
SDN-Tunis

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed