Hogaamiyihii Alshabaab ee Maraykanku Khaarajiyay Axmed Godane oo Hadal dardaaran ah kaga hadlay Hadii la dilo Cida Bedelaysa {DHAGAYSO}
Muqdisho 11.Sep 2014 (SDN/QJ)- Warbaahinta Taageerta kooxda Al-shabaab ee ka dagaalanka Soomaaliya, ayaa waxay xalay baahiyeen dardaaran uu ka tagay hoggaamiyihii Kooxdaasi, Axmed Cabdi Godane oo Al-shabaab dhexdeeda looga yaqaanay Sheekh Abuu Subeyr, kaasi oo Isniintii Toddobaadkii hore ku dhintay duqeyn ay diyaaradaha Mareykanku ka geysteen gobolka Shabeelaha Hoose.
Hoggaamiyihii Al-shabaab, ayaa dardaaranka uu ku tagay ku sharaxay habka ugu haboon ee xarakada Al-shabaab kaga gudbi karaan haddii ay dhacdo inuu isagu meesha ka baxo oo ay dhacdo sidii dhacday toddobaadkii hore.
Axmed Godane oo tusaalooyin u soo qaadanaya Aayado iyo Axaadiis, ayaa Xarakada Al-shabaab kula dardaarmay inay Samraan haddii sida uu hadalka u dhigay ay ku timaado masiibo. Isaga oo carabka ku adkeeyay in geeridii Osama iyo Aaden Xaashi Cayrow oo labadoodaba ku dhintay gacanta Maraykanka aanay waxba ka bedalin waxa uu ugu yeedhay Jihaadka.
Axmed Cabdi Godane, oo intii aanu geeriyoon arrimahaa ka hadlayaana waxa uu yidhi “Waxa Lagaa Yabaa inuu shadiido qaa’id kaalin weyn ugu jiray Muslimiinta, maadaama oo aanu ognahay in mar malba Cadowgu uu Isku dayo, hadday tahay Soomaaliya, Ciraaq, Shaam iyo Mujaahidiinta Maqrib, sidee loola tacaamulayaa (Dhaqmayaa xaaladdaasi), waa inay taasi noqoto wax qofka Muslimka ah qalbigiisa raasukh ku ah inaan Diintiisu qofna ku xidhnayn, hay’adna ku xidhnayn ee ah mid qalbiga ah oo dhaqan u ah, waayo Diintani waa Diin iskeed u taagan oo nasrigeena uu ILAAHAY ballan-qaadey”
Axmed Cabdi Godane, waxa kale oo uu sheegay “Geerida dadka hormoodka u ah Islaamka iyo diintooda, waxa Tusaale innoogu filan Rasuulka (SCW), Nebigii ugu dambeeyay Rususha ayuu ahaa, haddana Dhimashadiisii Islaamku lama liicin, Rasuulka oo nool ayuu ILAAHAY soo dejiyey aayadaha Qur’aanka Kariimka ah ee ah “Nebi Muxamed oo ka mid ah Nebiyada ILAAHAY soo diray, Hadduu Geeriyoodo ama la dilo ma Cidhbihiina ayaad ka noqoneysaan, qofkii Cidhbihiisa ka laabta Alle waxba uma dhimayo ee isaga ayuun-baa naftiisa dhibaya, kuwa dariiqa Alle ku sii toosnaada, Alle (SW) ayaa Wanaagooda siinaya” ayuu yidhi, Godane oo intaasi ku daray “Aayadahani waxay inna barayaan inaan qofka Muu’minka ah aanay qalbigiisa argagax gelin qof madax ah oo la waayay, markaa haddii waxaasi (La dilo Hoggaamiyaha Al-shabaab) waxa la gudboon Mujaahidiinta inay samraan oo ay deganaadaan, masiibada ku timaadana ay ILAAHAY waydiistaan wax ka khayr badan…”
Hoggaamiyihii Al-shabaab ee geeriyooday, waxa kale oo uu dardaarankiisa ku soo qaatay dilkii Osama, Cayrow iyo rag kale oo badan “Jihaadka Dunida Muslimka ah (Imisaa U dhintay), Sheekh Osama Bin Laden, Aw Yaxya, Soomaaliyana waxa ka mid ahaa Cabdillaahi Salaad, Aaden Xaashi Cayrow iyo raggii kale ee Muhaajiriinta ahaa, Sida Saalax Nabhaan, Fasuul iyo qayrkoodba, markaa taasi waxay muujinaysaa in ummadan tahay umad haddii mid (hoggaamiye) ka baxo uu mid kale imanayo….”ayuu yidhi.
Dhanka kale, Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo ka mid ah saraakiisha Al-shabaab ee caanka ah, ayaa ka hadlay dilkii Ibraahim Afghaan iyo culimo kale oo ay isku xulafo ahaayeen, kuwaasi oo badhtamaha sanadkii 2013-kii lagu dilay Magaalada Baraawe, ka dib markii sida uu sheegay Axmed Godane oo geeriyooday iyo hoggaamiyaha cusub ee Al-shabaab ay ku eedeeyeen inay kala jabinayaan kooxda Al-shabaab.
Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur, oo sharaxaya sidii uu u dhacay dilkii Ibraahim Afghaan iyo rag kale oo Al-shabaab ka mid ahaa ayaa yidhi “Dhacdadii Baraawe ka dhacday raggii lagu Gumaaday waxa ka mid ahaa, Sheekh Ibraahim Xaaji Jaamac Meecaad (Ibraahim Afghaan), Cabdixamiid Xaashi Col-haye oo loo yaqaaney (Macalin Burhaan), culimo kalena wixii habeenkaa ka dambeeyay waalla xidhay, imika meel ay jiraana lama garanayo. Bayaanka (lagu dilay Culimada) waxa soo qoray hoggaanka sare Al-shabaab, Axmed Cabdi Godane (geeriyooday), ninka la yidhaahdo Mahad karateey, Axmed Diiriye Cabdikariin (Hoggaamiyaha cusub ee Al-shabaab), raggaasina waa ragga loo qabsan doono dhiigga Culimadaa la laayey”
Mukhtaar Roobow, waxa kale oo uu sheegay “Culimadaa waxa lagu eedeeyay inay yihiin Makaroonno xun-xun oo loo adeegsado ummada Nebi Muxamed oo cadowga u adeegsado, waxa kale oo lagu eedeeyay inay dambiyo aan la cafin Karin ay ummadooda ka galeen iyo inay ka shaqeeyeen inay ummada kala geeyaan oo ay ka baxaan jamaacadeeda”ayuu yidhi.
GUJI HALKAN OO MOBILKAAGA KA DHAGAYSO HADALKA AXMED CABDI GODANE
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/Godane11.mp3″]
Muqdisho SDN/QJ
contact@qurbejoog.com