Hogaamiye sare oo ka tirsan kooxaha Islaamiyiinta Mali oo gacanta lagu dhigay
Kidal Feb 04 2013 (SDN)– Hogaamiyihii sadaxaad ee ugu sareeyay Islaamiyiinta Gacanta ku hayay Magaalada Timbuktu ee Waqooyiga Mali tan iyo Isbuucii u danbeeyay, Maxamed Musa Ag Maxamuud ayaa lagu xiray meel u dhaw Xadka Algeria sida ay illo lagu kalsoonyahay sheegayaan.
Wakaalada Wararka AFP ayaa ka soo xigatay saraakiisha Amaanka Mali in hogaamiyihii sadaxaad ee Kooxda Ansaru Diin Maxamed Musa ee xireen Ciidamada dowladdaasi.
Maxamed Musa Ag Maxamuud ayaa lagu eedeynayaa in uu haa Ninkii Amarka ku bixin jiray in dadka laga jaro gacmaha iyadoo ay kooxda Ansaaru Diin ay dhaqan galineyso Shariicada Islaamka.
Lama Shaacin halka uu sida rasmiga ah ugu xiranyahay laakiin waxa la sheegayaa in suurta gal ay tahay in lagu hayo Magaalada Kidal oo ah halkii ugu danbeysay ee lagala wareegay Islaamiyiinta Waqooyiga Mali.
Howlgalka Faransiisku kawado dalka Mali ayaa keenay in 10-kaddib ay Ciidamda dowladda Mali ay tagaan Waqooyiga dalkaasi halkaasi oo laga hirgaliyay dowladda aan Aqoonsi helin oo la magacbaxday Asawaad.
SDN-KidalĀ