Hogaamiye sare oo ka tirsan Jebhada FRUD ee Jabuuti oo Woqooyiga America booqasho ku imanaya
Ottawa July 30,2014(SDN/QJ)-Hogaamiye sare oo ka tirsan Jebhada Canfarta Jabuuti ee FRUD Md Hasan Mukbel ayaa booqasho ku imanaya dalalka Woqooyiga America si uu ula kulmo jaaliyada reer Jabuuti eek u nool dalalka Canada iyo Mareykanka.
Xasan ayaa lagu wadaa in uu Canada ku soo horeeyo oo uu Ottawa soo gaaro maalinta Khamiista ah ee ina soo heysa.
Halka lagu wado in Mujaahid Xasan Mukbel uu Jaaliyada reer Jabuuti ee Canada kulan kula yeesho magaalada Ottawa maalinmada Khamiista ah ee ina soo heysa.
Ergeyga Dalada Mucaaridka Jabuuti ee USN Md Xuseen Cabdiraxmaan Jaamac Cadhoole iyo masuuliyiinkale oo ka tirsan axsaabta Jabuuti ayaa lagu wadaa in ay Ottawa ku soo dhaweeyaan Mujaahid Xasan Mukbal.
Hogaamiyahan FRUD ayaa sidoo kale u qorsheysan tahay in uu la kulmo Jaaliyada reer Jabuuti ee dalka Mareykanka.
Si kastaba ha ahaatee jaaliyadaha reer Jabuuti ee Canada iyo Mareykanka ayaa kaalin hormuudnimo ah ka ciyaara dardar gelinta isbedel siyaasadeed oo ka hirgela dalka Jamhuuriyada Jabuuti.
SDN/QJ-Ottawa
contact@qurbejoog.com