|

Hogaamiyaha Sucuudiga oo inan uu dhalay u magaacabay Guddoomiyaha Maka

Riyad Dec 23,2013(SDN)-Boqoqrka dalka Sucuudi Carebiya Boqor Cabdala ayaa inan uu dhalay u magaacabay Guddoomiyaha Gobolka Maka oo magaalo xeebeedka Jidana ay hoos tagto.

Sida ay shaacisay wakaalada wararka ee dawlada Sucuudiga ee Saudi Press Agency waxa boqorku wiilkiisa lixaad ee Mishaal uu u magaacabay xilkan oo uu hore u hayay Prince Khaalid oo haatan isna u wareegay wasaarada Tacliinta.

Boqor Cabdala oo haatan 89 jir ah ayaa intii ka danbeysay 2005tii oo uu hogaanka dalkaasi qabtay dabadeed waxa uu xilal muhiima u magacaabay qoysaskiisa.

Boqortooyada Sucuudiga ayaa kuwa kale ee caalamka uga duwan iyada oo xilalka ugu muhiimsan ee dawlada ay qabtaan ehelka boqorka kolba xilka haya.

Magaacaabiga Mishaal ee xilka Guddoomiyaha gobolka Maka ayaa ka dhigan in uu maamuli doono magaaladan barakeysan oo muslimiinta dunida oo idli ay waajibka ku tahay in ay booqdaan mar uun noloshooda.

SDN-Riyad
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed