Hogaamiyaha Shiinaha Oo Soo Gabogabeeyay Booqashadii Uu Ku Joogay Kenya
12,May,2014(SDN/QJ)- Ra’isal wasaaraha Shiinaha Li Keqiang ayaa soo gaba-gabeeyey booqasho rasmi ah oo uu ku joogay dalka Kenya muddo seddax maalin ah.
Waxa uuna madaxda waddamada bariga afrika ee Kenya, Uganda, Koonfurta Suudaan iyo Rwanda uu la saxiixday qandaraasyo isugu jira gannacsi iyo kuwa maalgashi oo gaadhaya balaayin doolar.
Mashaariicdaasi waxa ugu muhiimsan khad tareen oo dheer oo casri ah oo uu Shiinuhu dhisayo. qadkaasi tareen ayaa la filayo in uu isku xidho dalalka bariga afrika.
Khadkan tareen,ayaa si aad ah loogu hanweynhay inuu wax weyn ka badali doono dhaqaalaha Wadamadda Bariga Afrika oo haatan uu Shiinuhu u arko inay muhim u tahay Mashaariicda uu Wadankiisu ka wado Qaaradda Afrika.
Arintan ayaa waxay u muuqataa inay si xoojinayso kaalinta Waddanka Shiinaha ee Qaaradda
SDN/QJ-Nairobi