Hogaamiyaha Al Shabaab: “Isqarxintu dambi maahan hadii ay ku dhintaan dad rayid ah”
Muqdisho Jan 04, 2012(qurbejoog.com)-Ururka AL Shabaab ayaa sheegay in diinta aysan ka horimaaneyn isqarxinta oo ay tilmaameen inaysan dambi aheyn.
Hogaamiyaha Kooxda Al Shabaab Sheekh Muqtaar C/raxmaan Abuu Zubeyr oo hadlay ayaa waxaa uu sheegay in weerarada Ismiidaaminta ah oo ay gaystaan dhalinyarada ka tirsan Ururkaasi ay tahay wax banaan oo diinta aan ka hor imaaneyn.
Abuu Zubeyr ayaa sheegay in is qarxinta ay tahay waajib islamarkaana looga baahanyahay qof waliba oo Muslim ah sida uu hadalka u dhigay, wuxuuna carabka ku dhuftay in hadii weerarada Ismiidaaminta ah oo ay gaystaan Al Shabaab ay ku geeriyoodaan dad shacab ah aan iyana dambi aheyn.
Isagoo hadalkiisa wata ayaa waxaa uu ugu baaqay Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku nool dalka dibaddiisa inay usoo dhoofaan Soomaaliya, ayna ka bar bar dagaalamaan Ururka Al Shabaab oo uu sheegay inay u taagan yihiin difaaca dalka.
Dhalinyaro badan oo aaminsan qaacidada Al Shabaab ayaa qaraxyo ismiidaamin ah waxa ay ka gaysteen Magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka, iyadoo inta badan qaraxyadaasi ay wax yeelo kasoo gaartay dad shacab ah oo aa waxba galabsan.
Qurbejoog-Muqdisho