Hogaamiyaasha Maraykanka iyo Shiinaha oo ku kulmaya California Bisha Soo Aadan
Washington May 21 2013 (SDN)— Madaxweynayaasha dalalka Maraykanka iyo Shiinaha ayaa wada hadaladoodii ugu horeeyay kuyeelanaya Bisha June ee soo aadan gobolka California ee dalka Maraykanka sida ay xaqiijiyeen labada dhinac.
Barack Obama iyo Xi Jinping ayaa kulmaya 7-8 bisha June, waxaana kulankooda uu ka dhici doonaa Rancho Mirage, sida Aqalka Cad ee Maraykanka uu xaqiijiyay.
Labada hogaamiye Obama iyo Mr Xi ayaa kawada hadli doona Arrimo ay kamidyihiin: Kuuriyada Waqooyi, Howlaha Sirdoonka, Xiisada Ka taagan Badda Koofurta China iyo Arrinta dalka Syria.
Madaxweynaha dalka Shiinaha Mr Xi (Shii) oo xilkan loo magacaabay Bishii March ee sanadkan ayaa booqashadiisii ugu horeysay ee dibada ah ku tagay dalka Ruuska isagoo sidoo kale maray wadamo African ah.
SDN-Washington