|

Hindiya oo soo furatay markab afduub loogu heystay Puntland

Bossaso March 16, 2024 (QJ) -Markab ay leeyihiin ciidamada badda Hindiya ee fadhigoodu yahay meel u dhow xeebaha Soomaaliya ayaa weerar ku qaaday markab lagu magacaabo Ruen, kaasoo la afduubay bishii December ee sanadkii 2023-kii.

War qoraal ah oo ay soo saareen ciidamada Hindiya ayaa lagu sheegay in markabka Ruen oo ka babanaya calanka Malta ay burcad badeeddu u adeegsadeen in ay qabtaan maraakiib kale, isla markaana u sahashay in ay qabsadaan markab weyn oo laga leeyahay Bangladesh todobaadkii hore.

Afhayeen u hadlay ciidamada Hindiya ma uusan sheegin haddii uu jiro khasaare ka dhashay howlgalka lagu soo furtay markabka Ruen, sidoo kale ma uusan shaacin tirada burcadbadeedda ah ee lagu qabtay.

Afduubashada markabka Ruen ayaa noqonaysa tii ugu horeysay ee lagu guuleysto tan iyo sanadkii 2017-kii xiligaas oo wixii ka danbeeyay ay ciidamo caalamiga ah ay xakameeyeen weeraradii gacanka cadmeed iyo badweynta Hindiya ay burcada Soomaalidu ka fulin jirtay.

Isku dayada afduubka ee soo badanaya ayaa imaanaya xili kooxda Xuutiyiinta Yemen ay weeraro ku qaadeen maraakiib ganacsi oo marayey gacanka cadmeed iyo badda cas, taasoo ay sheegeen inay jawaab u tahay weerarada Israel ay ku hayso Qaza.

Comments are closed