|

Hindiya 1200 oo Qof Oo U Dhintay Cudurka Hargabka Doofaarka!

Hargeysa 08.March (SDN/QJ) Ugu yaraan 1200 qof ayaa dalka India u dhintay cudurka loogu magacdaray Hargabka-doofaarka (Swine flu / H1N1 virus), sidaa waxaa xaqiijiyey dowlada Hindiya.

 

Travellers with masks walk on a railway platform in PuneTodobaadkii lasoo dhaafay oo kaliya ayey 300 qof u dhinteen cudurkan sida fudud ku faafa. Halka hada tirada dadka cudurka u jiifa ay gaarayaan 22,240 qof.

 

Bishii December ayuu dalkaasi India ka dilaacay cudurkan halista ah ee loo bixiyey Hargabka Doofaarka, Wasaarada Caafimaadka ee dalka India ayaa shacabkeeda ugu baaqday inay feejignaadaan balse aysan argagax ka qaadin cudurkan sida xawliga ah ku faafay.

 

Magaalada Ahmedabad ee dalka India oo ka mid ah magaalooyinka ugu dadka badan, ayaa ah goobta uu sida baaxadaleh ugu faafay cudurkan.

 

Kumanaan ka mid ah shacabka magaaladaasi ku dhaqan ayaa hada go’aansaday inay guryahooda joogaan oo aanay shaqada tagin, wakhti uu halkaasi ka bilowday xili roobaadka oo laga cabsi qabo inuu sare usii qaado faafida cudurkan.

 

Hindiya 1200 oo Qof Oo U Dhintay Cudurka Hargabka Doofaarka!

Hargeysa 08.March (SDN/QJ) Ugu yaraan 1200 qof ayaa dalka India u dhintay cudurka loogu magacdaray Hargabka-doofaarka (Swine flu / H1N1 virus), sidaa waxaa xaqiijiyey dowlada Hindiya.

Todobaadkii lasoo dhaafay oo kaliya ayey 300 qof u dhinteen cudurkan sida fudud ku faafa. Halka hada tirada dadka cudurka u jiifa ay gaarayaan 22,240 qof.

Bishii December ayuu dalkaasi India ka dilaacay cudurkan halista ah ee loo bixiyey Hargabka Doofaarka, Wasaarada Caafimaadka ee dalka India ayaa shacabkeeda ugu baaqday inay feejignaadaan balse aysan argagax ka qaadin cudurkan sida xawliga ah ku faafay.

Magaalada Ahmedabad ee dalka India oo ka mid ah magaalooyinka ugu dadka badan, ayaa ah goobta uu sida baaxadaleh ugu faafay cudurkan.

Kumanaan ka mid ah shacabka magaaladaasi ku dhaqan ayaa hada go’aansaday inay guryahooda joogaan oo aanay shaqada tagin, wakhti uu halkaasi ka bilowday xili roobaadka oo laga cabsi qabo inuu sare usii qaado faafida cudurkan.

Comments are closed