|

Hidde-raac: Hidde-raac: Hilin-sooyaalka iyo Hawraarta Hal-abuurka

 

Qormooyinkii aynu ugu magac-darnay Hidde-raac: Hidde-raac: Hilin-sooyaalka iyo Hawraarta Hal-abuurka Siciid Gahayr (Hargeysaawi),  Qaybta 6aad waxa aynu ku soo qaadanaynaa tix magaceedu yahay Sami-hooyo.

Maansadan Siciid Maxamuud Gahayr, waxa uu kaga waramayaa qiimaha hooyada, isaga o abwaanku soo qaadanaya aayado quraana iyo axaadiis sharaf badan oo sheegaya sida ay diinteena wanaagsani inoogu dardaartay in aynu u samafalno waalidka guud ahaan gaar ahaan hooyada, ugu dambeyna waxa uu Siciid hooyadii macaan, si gaar ah uga codsanayaa in ay ku sahaydo duco,waayo Siciid waxa uu u baxayay June 2007, oo ah xiliga uu maansadan sameeyay safar waxbarsho oo uu ku tagayay dalka Pakistan , ugu dambeyna waxa uu ilaahay ka baryayaa inuu is tuso isaga iyo hooyada iyaga oo nabad qaba kuna sugan diinta islaamka mar labaad inta ay noolyihiin , waxaanu Siciid yidhi:

 

 

  1. Suubban hooyadayduu
  2. Saatir igu abuuraay
  1. Sanad gaw ah oo ay
  2. Saddex bili ka dhiman yiin
  3. Sidkaad igu xambaartoo
  1. Calooshaadu sabo iyo
  2. Saldhig aan ku ladayoo
  3. Suubban bay ahaydoo
  4. Suudiga kulaylkiyo
  5. Saymaha qabawgaba
  6. Sar bay noqotay dedaysoo
  1. Horaadkaaga saxada leh
  2. Caanaha ku sugan
  3. Soor ii ahaayoo
  1. Sida awr la dhaanshaad
  2. Dhabarrada i saartoo
  1. Dhabtaaduna sariir iyo
  2. Salli bay ahayd aan
  3. Sahal ugu gamaayoo
  1. Soortana markaan naco
  2. Igamaad samraynine
  3. Sasabaad in badanaad
  4. Igu siisay dhuuniga
  5. Safradaha ka ciidmoo
  1. Harraad ruuxda solayaad
  2. Siman iga kaxaysoo
  1. Saantayda qaawani
  2. Dhar baad uga samaysoo
  3. Silic inaan muquuursamo
  4. Raaxaad iiga saantoo
  1. Nadiifnimadu waa sade
  2. Siifad iyo ada qudhun
  3. Saxar iga fogeeyoo
  1. Suug iyo rasaas kulul
  2. Waad igala socdaashoo
  3. Surinkii ammaanaad
  4. Sees iiga waabtoo
  1. Sawdkaaga wacan iyo
  2. Sabaalada galgacalka leh
  3. Sadarada ammaanta ah
  4. Waayaad igu sabeysoo
  1. Sikinniyo gu’yaal iyo
  2. Saacadaad daraaday
  3. Surmi qaabilaysoo
  1. Safaad iyo markuu cudur
  2. Sahansado naftaydana
  3. Awgay baad saqdii dhexe
  4. Soo-jeed ku raagtoo
  5. Saxoo caafimaad baad
  6. Ii sahadinaysoo
  1. Suuraddaydu gooray
  2. Saxansaxo udgoon iyo
  3. Saac kuu ahaydoo
  1. Jaahaagoo sansaan wacan
  2. Sawirkiisu leeyaad
  3. Ii soo bandhigaysoo
  1. Sarkaalnmiyo derejaba
  2. Adaa ii suntaayoo
  3. Inaan qayrkay sare maro
  4. Waad saadaalinaysoo
  1. Samaad igu anqarisoo
  2. Faralyada la sugay iyo
  3. Sunnayaal habboon iyo
  4. Safxadaha kitaabkaba
  5. “Sid” baad igu dardaartoo
  6. Adigaa salaaddiyo
  7. Igu ababshay soonkoo
  8. Danbi aan sameeyana
  9. Iga siiyay waanoo
  10. Saalix inaan ahaadaad
  11. Sacabbada u tumaysee
  1. Saamigii naftaydaay
  2. Sokeeyiyo xigaaleey
  3. Sallaankii i qaadaay
  4. Suubban hooyadayeey

 

  1. In samaan laguu falo
  2. Saman tagay Rasuulkaa
  3. Saddex goor ku celiyoo
  1. Sabab baad u tahay ay
  2. Safka muuminiintii
  3. Ku siibmaan jannada oo
  1. Fardawsiyo sareedada
  2. Saadaasha ay fili
  3. Dar wanaagga  sahaysaday
  4. Waxa ay ku sugan tahay
  5. Sagxadaha cagtaado
  1. Samad wuu cadhoodaa
  2. Sanifaadda goortaad
  3. Na saluugtid hiifkoo
  1. Sagsaag iyo uf reebyoo
  2. Hadallada saxnaanta leh
  3. Inaan kugu salaannoo
  4. An ku sawaxannaabuu
  5. Saatir nagu amraayoo
  1. Sannadkaaga oo weyn
  2. Ruuxaan u samafalin
  3. In Saciira lagu rido
  4. Malagbaa sanaadhsoo
  5. Nabigaa sax yidhiyoo
  1. Ado dhabarka igu sida
  2. Sigashada anoon dhicin
  3. Naxdin kugu sinaatana
  4. Sagaal aan ku qaadaan
  5. La sinmayn culeyskoo
  6. Saa’id dheer baraa oo
  1. Subaxaad i dihatiyo
  2. Illaa sabankan maanta ah
  3. Waad i saacidaysoo
  4. Siigiyo dabayl iyo
  5. Saxariir i daaraa
  6. Sun bay kugu yihiinoo
  1. Saamigii naftaydaay
  2. Sokeeyiyo xigaaleey
  3. Sallaankii I qaadaay
  4. Suubban hooyadayeey
  1. Haddii aanad sintaydiyo
  2. Sabarkayga taagnayn
  3. Saxna ii tilmaamayn
  4. Sumcad maan heleenoo
  5. So’dan aan ku noolnahay
  6. Sayid kama ahaadeen
  7. Summaddiisu khayrtee
  1. Sambabkaa ku jeceloo
  2. Sadrigaa ku naadshoo
  3. Wadnahaad ku sugantoo
  4. Indhahaad siraad iyo
  5. Ilays ula sansaantoo
  1. Sidad iigu mudan tahay
  2. Ma sifayn  karaayee
  3. Soonaha jidhkaygaan
  4. Seere aad ku nagidiyo
  5. Sakad kaaga dhisi laa
  6. Hadday suuro galeysee
  1. Waxaan ku sagootiyay
  2. Suuradaha Furqaankee
  3. Duco aan ku sama baxo
  4. Sahay iiga yeeloo
  5. Saatir waxan ka naawilay
  6. Ku sugnaan islaamkiyo
  7. Soo noqod is-aragliyo
  8. Nabad la isku keen simo

Khadar Maxamed Faarax

Khadarmfr@gmail.com

Comments are closed