Heshiisyo laga gaadhay Maleeshiyaad ku dagaalamay Degmada Beled Xaawo
Beled Xaawo 15.June 2014 (SDN/QJ)- Shir lagu heshiisiiyey laba maleeshiyo oo dhawaan ku dagaallantay degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo ayaa lagu soo gabagabeeyey degmada Doolow ee gobolkaas.
Shirka waxaa ka qeybgalay mas’uuliyiin ka kala tirsan xukuumadda iyo baarlamaanka Soomaaliya, maamulka KMG ah ee Jubba, Ahlu-sunna Wal-Jameeca, maamullada degmooyinka Beledxaawo iyo Dooloow oo ay wehliyaan qaar ka tirsan waxgaradka gobolka.
Dhinacyada ayaa ku heshiiyey qodobba ay kamid yihiin gaarista xabbad joojin rasmi ah, in ciidamadii ku dagaallamay gudaha Beledxaawo laga saaro dhufeysyada ay ku jiraan , lana mideeyo iyo in amniga magaalada dagaalka ka dhacay ay sugaan inta wada-hadal kale la isaga imanayo ciidamo gaar ah oo ka madax bannaan maleeshiyaadka diriray.
Wasiir ku xigeenka gaashaandhigga ee xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Cabdalla Xaaji Cali oo ka qeybgalay shirka ayaa sheegay in lagu guuleystay shirka, ayna nabadda wada qaateen labada dhinac ee dagaallamay.
Wararka ayaa intaas ku daraya in ergooyinka ka qaybgalay shirku ay wadajir u tagayaan degmada Beledxaawo, si ay u dhaqan geliyaan qodobbada lagu heshiiyey.
Dagaalka ka dhacay Beledxaawo bishii hore oo ay ku dhinteen dad ka badan 10 qof ayaa dhexmaray maleeshiyaad kala taabacsan maamullada Beledxaawo iyo Doolow.