|

Heshiiska dowladda Soomaaliya iyo maamulka Kumeel gaadhka ee Jubba

Addis Ababa 28.Aug 2013 (SDN)-Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo maamulka Axmed Madoobe ayaa maanta magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia ku gaaray heshiis soo afjaray isfaham-waa u dhaxeeyay labada dhinac.

Qodobbada ay ku heshiiyeen waxaa ku jira sameynta maamul ku-meel-gaar ah oo labo sano ah oo uu hoggaamiye ka noqonayo Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), iyadoo maamulkana lagu magacaabi doonaa Maamulka ku-meel-gaarka ah ee Jubba.

Ergada-dowladda-iyo-Jubbaland-300x223Dekedda iyo garoonka diyaarada waxaa maamuli doona maamulka ku-meelka ah ee Jubba muddo ku eg lix bilood, kaddibna dowladda ayaa soo magacaabeysa maamul cusub.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Itoobiya, ahna guddoomiyaha golaha wasiirrada ee IGAD, Dr. Tedros Adhanom ayaa sheegay in maanta ay maalin weyn u tahay Soomaaliya, Itoobiya, IGAD, Afrika iyo guud ahaan caalamka, isagoo xusay in xalka Afrika uu yaallo Afrikaanka dhexdooda .

Wuxuu sheegay in wada-hadallada ay billowdeen xilli labada dhinac ay rumeysnaayeen in Soomaaliya ay u qalanto nabad waarta, isla markaana ay u wada xaajoodeen si daacad ah oo ka fog daneysi kooxeed.

Ergeyga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay ayaa sheegay in heshiiska uu soo afjarayo dhibaatada ku dhowaad sanad ka dhex taagneyd dowladda iyo maamulka Axmed Madoobe.

Wasiiru-dowlaha madaxtooyada Soomaaliya Faarax Cabduqaadir oo horkacaya wafdiga dowladda federaalka ah u saxiixaya heshiiska ayaa tilmamay in hehsiiska maanta uu billow u yahay tallaabo cusub oo dhinaca nabadda ah

Axmed Madoobe ayaa dhankiisa tilmaamay in heshiiskan uu muhiim u yahay dhismaha hannaan federaal ah oo xooggan oo ka dhaqangala Soomaaliya.

Addis Ababa SDN.

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed